Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

‘AL-Shabaab waa in Caruurta laga badbaadiyaa balse Xalkoodu waa uun in la cidhibtiro sidii Khawaarijta’.Jaaliyada Boston

Shir balaadhan oo jaaliyada Soomaalida reer Boston ku yeesheen masaajidka ayaa waxaa lagu gorfeeyay waxa xal ah ee laga yeelayo kooxa Al-shabaab oo si badheedha u laynaya wax garadka Soomaaliyeed hadana bilaabayba inay dilaan Sheekh Caalimeedyada xitaa hadii ay masaajid mixraabkiisa, Salaad Gudaheed, Maalin Jimce ah, Adaytimo, Islaamnimo isku darsadeen.

Mashaa’ikhdii goobta ka hadlay ayaa waxa ay soo ban dhigeen, waxa diintu ka qabto daadinta dhiiga Culimada Caalimiinta ah, sidoo kale waxay ka sheekeeyeen dadkii islaamka ahaa ee ka leexday jidka toosanee hawadooda iyo iyaga sida ay la tahay ama kula qumaneed sameeyay meesha ay cidhibtooda ku danbeeyeen.

Jaaliyada reer Boston waxay isku raacday in xalka kaliya ee Soomaalidu kaga badbaadi karaan Al-shabaab inay tahay in xididada loo siibo lana cidhib tiro gabi ahaanba. Waxaa kale oo ay dusha eedayn  kaga tureen cidii aaminsan in Al-shabaab waxa ay tabanayaan ama Soomaaliya u rabaan sidoo kalena ka rabaan inay miiska wada xaajoodyada intay soo fadhiistaan ku gorfeeyaan taasoo ah calaacal timo ka soo baxeen.

Jaaliyada ayaa u ducaysay Sh. Cabdulqaadir Nuur Faarax oo kooxda Al-shabaab shirqool ugu dileen magaalada Garoowe. Jaaliyada ayaa hoosta ka xariiqday Siyaasadaha kooxda Al-shabaab anago oo dhawaan idiin soo gudbin doona shirkan oo maqal iyo muuqaal ah.

Ceegaag.com

Boston

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag