Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan magaalada Muqdisho kula qaatay mas’uul ka socday baarlamanka sare ee dalka Mareykanka kaas oo maanta soo gaaray caasimada dalka ee Muqdisho.
Mr Keith Ellison oo ka tirsan Kongareyska Mareykanka iyo madaxweynaha ayaa ka wada hadlay xaaladaha ka jira waddanka iyo horumarrada ay Soomaaliya sameysay bilihii la soo dhaafay, ayadoo Mr Keith Ellison ku nuuxnuuxsaday in Mareykanku uu diyaar u yahay in uu gacan ka geysto hormarinta wadanka Soomaaliya.
Sidoo kale Keith ayaa intaasi ku daray in Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka dhaxeyaan xiriiro soo jireen ah taas oo uu tusaale u soo qaatay Soomaalida ku nool magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka, isagoona intaasi raaciyay in uu aad ugu faraxsan yahay imaashaha uu yimid dalka Soomaaliya.
Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa xiriirka u dhaxeeya sii xoogeysanayey muddooyinkan, iyadoo dowladda Mareyankuna ay muujineyso dadaal dheeri ah oo ay ku garab istaagaan dowladda Soomaaliya yeelatay, sida ka qeyb qaadashada dib u dhiska dalka iyo hagaajinta ciidammada Qaranka.
Figradihiina