Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Saddex billad Sharaf oo uu heley Sheekh Cabdulqaadir, ilaahay ha u naxariistee.

Imaamu Axmed waxaa laga sheegey Inuu oran jirey Farqiqa annaga iyo Ehlu bidaca noo dhexeeya  waa Jinaazada”
Hadalkaasi waa hadal wayn oo aad u qiimo badan, waxaan xasuustaa qoraalo ay soo bandhigeen  website yada taageera ururka alshabaab, kuwaas oo ay ku aflagaadaynayeen Sheekh Cabdulqaadir Xilli uu nasteexo qiimo badan ka jeediyey Kulan Ay ka soo qaybgaleen dad badan oo siyaasiyiin ah,  Sheekha wax yaalihii lagu Dacaayadaynayey waxaa ka mid ahaa Inuu Dastuurka Gaaladu wadato  loo keensadey inuu Ansixiyo,  Hadalkii sheekha Iyagu ma aysan duuban laakiin Sawirkiisa ayeey ku arkeen internetka  Kadibna waxay keeneen Fallaadh ay ku foorariyaan Qofka ay maagan yihiin.

Qofka Muslimka ah ee Daacadda ah Marka Been lagu tuhmo, dacwadiisuna ay tahay Ikhlaas ilaahay dartiis qofkaas waxaa ilaahay abaal marin ku siiyaa xilli ay noqotaba ha ahaatee in Sumcadiisa ilaah kur u qaado, waxa lagu sheegayna uu ka bari yeelo.

???? ???? ???? ?????? ???????? *** ????? ??????? ??? ????? ????
???? ?????? ????? ???? ????????? *** ?? ??? ??????? ???? ???? ??????

Maalmo kadib waxay walaalada Halgan soo galiyeeyn Hadalkii uu Sheekh Cabdulqaadir ka jeedinayey Meesha la isugu yimid, waxayna noqotey nasteexo aad u qiimo badan oo ku habboon in loo jeediyey Madaxda, Sheekhuna wuxuu Amrey Madaxdii halkaas joogtey  in ay ilaahay ka cabsadaan wuxuuna u dardaarmey wixii wanaaggu ahaa ee ku haboonaa.

Been Abuurka ay sameeyeen Shabab Mufsidiin, wuxuu ahaa mid hordhac u ah qorshaha ay doonayeen in ay ku saaraan Maxkamaddooda ku dhisan Caqli Xumadawaxayna daliil uga dhigteen inuu yahay Murtad ay bannaantahay In la dilo, Maxkamaddii ku dhisnayd caqli yaridu hadii ay soo baxdey, waxaa la go’aamiyey in sheekha la dilo, laakiin waxaa dhacdey  wax aysan filanayn, oo uu markii hore shaydaanku ka qariyey!.

Sida ay sheegeen waxay isku dayeen in ay dilaan Sheekha laakiin fursad bay u waayeen, shaydaankii wuxuu u sheegey raggii ficilka fulinayey in la dili karo xattaa hadii uu ku jiro  Masjid Gudihiis, maxaa yeeley waa Murtad!.

Sheekha waxaa u timid maalintuu sugayey, horena uu uga dardaarmey in qofka dilaa khasaarey, wuxuuna sheekhu sheegey in ay suurto gal tahay in ilaahay Shahaado uga dhigo.

Shahaadadaan Sugaayaan
Shaadhkeedii Xidhanahay
Xaqqa Sheegistiisana
Sharaf baan ku helayaa,
Shahiidkii mixraabkuna
Sheekhaygii weeyaan.

Dannigii wanaagsanaa ee uu sheekhu rajaynayey ilaahay waa siiyey, wuxuuna Allaah ugu daray Laba billad Sharaf   oo Ay yartahay in ay helaan Dadka Muslimiinta ah illaa Qof nasiib badan maahane.

1-  Sharaful Makaan oo ah  Meesha uu ku jirey xiliga ilaah oofsanayey oo ahayd dhulka uu ilaah ugu jecel yahay Dhulkiisa  oo ah Masaajidada ilaahay Sida ku suganSaxiixul Muslim Min Xadiithi Abii hurayrah

??? ?????? ??? ???? ??????? . ????? ?????? ??? ???? ???????

2- Sharaful Qawl oo ahayd  Isagoo ka soo kacay  rukuuc  lehna  ”  Samicallaahu Liman xamidah” ama Rabbanaa lakal xamdu: ” Ilaahay waa Ajiibey midkastoo Mahadiya” ama Ilaahow adigay kuu sugnaatey Mahaddu ”

3- Sharful Zamaan oo ah Xiliga uu Salaadda ku jirey oo ahayd Maalin Jimce  fadligeedana rasuulku SCW noo sheegey kuna cad xadiiska ay soo saareen Abuu’daawuud iyo Muslim uuna wariyey Abuu hurayrah “Rasuulku SCW wuxuu yiri Maalin Qorrixi soo baxdo waxaa u khayr badan Maalinta Jimce” Xiligaas Sheekhu isagoo ilaahay hortaagan ayuu Matukaduhu Sheekha Rasaas ku ganey halkaasuuna ku shahiidey sida aan ilaahay uga rajaynayno.

Saddexdaas billad Sharaf oo aduunka ah Ayaa ilaah  siiyey Qof Kastah oo Muslim ahna wuxuu jeclaystey ama tamaniyey In ilaah uu khaatimdiisa sidaas oo kale ka dhigo.

Bal aragnay Mutukade  daqiiqado kadib  sida xaalkiisu noqdey, dakharro, maryihii oo laga xayuubiyey, Jeel Cadhiidhi ah oo lagaliyey, intaasi waa aduunka  Cadaabka aakhiro ayaana u yaalla mujirim kasta oo dhiiga Muslimiinta Daadiya.

Rabbi noo Xifdi Culimadeena, oo dhawr, rabbi xaqqa iyo diinka ku sug, rabbi na yeel kuwa ixtiraama culimadooda oo garta xaqooda.

W/Q:  Mustafa Maxamuud Xaaji Cali-deeq Alkhaledi
(Mustafa Akhyaar)

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag