Shabada Wararka Ceegaag.com oo Booshaqo ku tagtay deegaanka Marqaan Wayne,kana soo Diyaarisay Warbixin ku saabsan reer guuraaga Marqaan
Kadib Booqasho Shabakada Wararka Ceegaag.com ku tagtay Deegaanka Marqaan Wayne oo Koonfurta ka Xiga Magaalada Buuhoodle isla Markaana Gudaha ugu jira Dawlada deegaanka Somalida Itoobiya oo deegaan ahaana katirsan Degmada Bookh ee Gobolka Wardheer ayaa deegaankaasi Waxaa Haatan Dadka Reer Guuraaga ah iyo Waliba Kuwa Magaalada Marqaan degani ay ka Cabaan Ceel Biyood Magaaladaasi ay ka Hirgalisay dawlada Deegaanka Itoobiya.
Ceelkaasi oo aan Booday ayaana Waxaa uu u shaqeeyaa si Wanaagsan Waxaana Ku Tiirsan Dadka Deegaanka Marqaan Wayne iyo Guud ahaanba Dadka Reer Guuraaga ah ee Ku Hareeraysan santarka deegaanka Marqaan Waxana Dadka Xoolo Dhaqata ah ee Magaaladaasi Kunool noo sheegeen inay Ceelkani uu deegaanka ugu fadhi Muhiimad aad u Wayn noloshooduna ay ku Tiirsan tahay…
Xukuumada Dawlada deegaanka Somalida itoobiyah ayaana Mashariico farabadan ka hirgalisay Magaalada Marqaan Wayne oo isagu jira Dugsiyo Hoose Dhex, Xarun Caafimaad iyo Ceel Biyoodkani Waxana deegaankaasi Marqaan ka soconaya Mashaariico farabadan oo Dawlada deegaanku ka Wado Magaaladaasi Marqaan Qayne.
CaliDhegjar
Buuhoodlr
Figradihiina