Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka ku Meel Gaadhka Kismaayo oo Taladii maamul u Sameynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka shacabka u gacan galiyay

Sulddaan Cabdicasiis Cumar Beyle oo ka mid ah salaadiinta Soomaaliyeed ee ku Sugan Gobolka Jubada Hoose oo war baahinta la hadlay ayaa sheegay in Maamulka ku meel gaadhka Kismaayo uu taladii maamul u Sameynta Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka ku soo wareejiyay Odoyaasha iyo wax garadka Goboladaas.

Sulddaanka ayaa ugu horeynba u mahad celiyay Maamulka iyo siyaasiintii ka soo shaqeeyay in Talada maamul u sameynta lagu wareejiyo Salaadiinta iyo wax garadka si ay maamul ugu soo sameeyaan Gobolada Gedo iyo Jubbooyinka.

Sulddaan cabdilcasiis oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in ay ka mid ahaayeen odoyaashii Dhaqanka ee wax ka dhisay dawladda Federaalka Soomaaliya xiligii laga gudbayay Cahdigii ku meel gaarka sidaa darteedna ay waaya aragnimo buuxda u leeyihiin dhinaca Dhisidda maamulada.

Sulddaanka ayaa xusay in ay soo dhisayaan iyadoo cadaaladda aan laga fogaaneyn maamul loo dhan yahay oo dhamaanba ay ka dhex muuqdaa Qabaa’ilka kala duwan ee Govboladaas ku dhaqan isagoona soo qaatay in dastuurka Federaalku Oggol yahay in Laba Gobol iyo wixii ka badan ay samaysan karaan maamul u gaar ah..

Maamulka ay soo dhisayaan Golaha Salaaddiinta iyo Wax garadka Talada lagu wareejiyay ayaa sida uu sheegay Sulddaan Cabdilcasiis Cumar waxa uu noqonayaa waa siduu hadalka u dhigaye mid ay ka soo xulayaan Beelaha isla markana ay badin doonaan wada tashiyada arrimaha shirka oo ay kala tashanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo waliba Siyaasiinta Soomaaliyeed ee Gobolkaas ku sugan.

ugu Danbayntii ayuu sheegay Sulddaanku in Dawladda Federaalka Soomaaliya ay weeydiisteen in ay gacan ka gaysato Maamul u sameynta Goboladaas Doorkeeda ku aadana ay Ciyaarto si loo soo dhiso maamul laga wada raali yahay isla markaana ay ku qanacsan yihiin dhamaanba Beelaha kala duwan ee Dega Goboladaas Sedaxda ah.

Hadalkan Sulddaanka ayaa imaanaya xilli Mas’uuliyiinta Maamulka ku meel gaarka Kismaayo ay wadeen kana shirayeen sidii Maamul loogu soo dhisi lahaa goboladaas taasoo ugu danbayna keentay in talada ay ka wareejiyaan Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed si ay iyaguna u soo dhisaan maamulka Jubba Land.

Xigasho:kismaayo24

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag