Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Saraakiil iyo Ciidamo ka socda AMISOM ayaa maanta markii u horeysay gaadhay Gobolka Galgaduud, iyadoo si weyn loogu soo dhoweeyay degmada Guriceel, waxaana u sii gudbeen degmada Dhuusamareeb ee Xarunta Galgaduud. Ciidamadan oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa waxaa hogaaminayay Taliyaha Ciidamada AMISOM ee Gobolada Dhexe Col. Cusmaan Dubad, iyadoo dadweyne kula hadlay degmada Guriceel u sheegay in howl galka AMISOM lagu ballaarin doono gobolada dhexe.
Boqolaal dadweyne oo wadooyinka taagnaa ayaa calamo qoyan u lulayay, waxaana saraakiishan iyo ciidamadan soo dhoweeyay Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Ahlusuna, iyagoo u gudbay degmada Dhuusa Mareeb. Ciidamadan iyo saraakiisha ka socda Ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howl galka AMISOM ayaa noqonaya kuwii u horeeyay ee gaaray Gobolka Galgaduud oo deris la ah Gobolka Hiiraan oo ay Ciidamadan ku sugan yihiin.
Dhinaca kale dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe ay ka dalbadeen in la keeno Gobolka Ciidamo AMISOM ah si ay uga howl galaan, waxaana Culumaa’udiinka Ahlusuna tan iyo sanadkii 2008-dii ay dagaalo kula jireen Xoogaga Al-Shabaab oo qeybo ka mid ah Galgaduud ka talisa.
Cali Dhagjar
Figradihiina