Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Magaalaa Stockholm ee caasimada dalka Sweden, waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay Raysalwasaarihii hore Soomaaliya, Cabdi-WALI Maxamed Cali-Gaas, Xafladda oo ay ka soo qaybgaleen marti sharaf kala duwan, ayaa waxaa buraanbur waddaniyadeed ka soo jeediyey qaar kamid ah dumarka Soomaaliyeed.
Waxaa Xafladdaas looga hadlaayey Caqabadaha horyaala Soomaaliyada cusub iyo fursadaha ay haysato waxaana khudbad ka jeediyey Aqoonyahnno iyo siyaasiyiin soomaliyeed, waxaana ka mid ah Hormuudkii Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacaddii Umadda Soomaliyeed Dr. Khaliif Bile. Waxaa isagu ahaa martida u weyn ee lagu casumey in ay ka hadlaan Fursadaha iyo caqabadaha Soomaaliya haysta Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya Dr.Abdiweli Ali Gaas, Waxaana goobta ka muuqdey qaar ka mid ah Xukuumaddii Badbaado Qaran.
Raysal wasaarihii hore Dr Gaas ayaa Rajo wanaagsan ka muujiyay Dawladda Federaalkaa, oo yiri rajo wanagsan baa jirta waxaana muhimma in Institution-ka lagu mitido oo aan la eegin shakhsiyaadka sida madaxda, ku dadaala dhisidda iyo ku shaqaynta institution-ka.
Raysul Wasarihii Hore Ee Somalia Dr Abdiwali ali Gaas ayaa intuu uu joogay wuxuu shir muhiim ah la yeeshay saraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee Sweden waxayna ka wada hadleyn xaaladaha dalka Somaliya uu maanta marayo iyo arimo kale oo muhiim u ah umada Soomaaliyeed.
Sidoo kalena dowlada Sweden ayaa ka codsataya Dr.Gaas in uu ka siiyo talooyin dowlada sweden qaabka ugu haboon ee dowlada Sewden uga qeyb qaadan laheyd xasilinta dalka Soomaaliya iyo sida ugu wanaagsan ee loo caawinkaro umada Soomaaliyeed.
Xafladda ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u qurxoon, RW hore Dr. Gaas-na uu ugu mahadceliyay jaaliyaddii soomaliyeed sida wanaagsan ay u soo dhoweeyeen.
ceegaag.com
Figradihiina