Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xildhbaanka laga soo doorto koontada 7 aad ee gobolkan Massachusetts Gloria Fox ayaa shalay ugu deeqday toban Computer gacmeed xarunta laga maamulo masjidka Soomaalida. Xildhibaanka ayaa ka hadashay shaqada ay gacanta ku hayso iyo kuwa ay isleedahay qabo wakhtiga dhaw iyada oo in badan ku celcelinasay in ay aad ugu adagtahay inay shaqadeeda u gudato si fudud xaafadeedana u soo dhiciso waxa ay xaqa u leeyihiin maadaama aydadka degan xaafadahan ay matalaso ay aad uga caga jiidaan inay kasoo qayb galaan shirarka lagu gorfeenayo wax qabadka dawlad goboleed siiba kuwa ay qabanayaan waaxyaha dawlada ee gobolku.
Xildhibaan Fox waxay carabka ku dhufatay gaadiidka dadwaynaha oo maalinba maalinta ka danbaysa qiimaha lagu raaco kor u kacaso dadkuna intaa ka qaylinayaan balse marka ay haayada MBTA ee gaadiidku shir ay arintaa kaga hadlayaan iclaamiyaan inaan dadka la’arag tasoo ayay tiri shaqadeeda aad ugu adkaynasa.
Xildibaanku waxaa kale oo ay ka hadashay dhinaca caafimaadka oo ay sheegtay in ay aad uga dagaalamasa Laababka ladoonayo in laga hirgaliyo Xaafadaha koontada 7aad. dhinaca waxbarashada waxay sheegtay in jaamacadaha ugu waawayn ay ku yaalaan xaafadahan balse aan looga faa’ideesan sidii la rabay jaamacaduhuna ay doonayaan inay isku balaadhiyaan dhulka xaafadaha. Xildhibaanku waxay ka hadashay dhinaca amaanka siiba kan dumarka oo ay sheegtay in dumarka si’aada loogu dhibo guryahooda. dhinaca Iskuulada Xaafaduna waa ku wa ugu liita Gobolka ardayda dhigataana waa kuwo ii eeg oo ay ka waday waa dad madow ah.
Ugu danbayntii waxaa iyaguna goobta yimid masuuliyiinta kale ee xaafada iyo magaaladaba laga doorto sida Ayanna Pressley, Felix G. Arroyo and Tito Jackson, iyadoo markaa la gudoonsiiyay Hadyad uu usoo dhiibay xildhibaanka shaqsi isagu iska diiday in magaciisa la sheego. Hadyadaa oo qiimaheedu gaadhayay $150,000 ayaa loo qaybiyay afar urur bulsheed oo uu ku jiro kan uu hoos tago Masjidka Soomaalida ee Boston.
Sawiqaaduhu waa South Kuuriye
ceegaag.com
Figradihiina