Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Shir saddex geesood ah oo muddo laba cisho ah ka socday caasimadda wadanka Kenya ee Nairobi ayaa la soo gabagabeeyey Sabtidii, iyadoo ay ka soo baxeen qodoba dhowr ah. Waxaa shirka ka qeybgalay saraakiil matalayey dowladda Kenya, maamulka magaalada Kismaayo iyo mas’uuliyiinta ciidamada Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ee aagga magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.
Saraakiishii shirka ka soo qeyb gashay ee lagu casuumay waxaa kamid ahaa guddoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Axmed Madoobe, ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo ah afhayeenka ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya ee Jubboyinka iyo Gedo, Col. Cabaas Ibraahim Gurey, Gen. Cali Maxamed Xasan (Cali Madoobe), Gen. Ismaaciil Saxardiid iyo Gen. Nuur Garle.
Shirka waxaa looga hadlayey iskaashiga dhinacyada ku wada sugan gobollada Jubbooyinka, sida meesha looga saari karo xurguf soo kala dhex-gashay, wada-shaqeyn dhexmari karto iyo sida ay tahay in loo wadaago daqliga gobolka ka soo baxo iyo qodoba kale oo muhim ah. Gabagabadii shirka waxaa ka soo baxay ilaa lix qodob oo ay saxiixeen dhinacyadii shirka ka soo qeybgalay sida uu saxaafadda u sheegay Col: Warfaa Sheekh Aadan.
Waxayna qodobada kale yihiin:-
Figradihiina