Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Shir looga hadlayay hormarinta mashaariicda ay wado hay’adda UNDP oo Muqdisho lagu qabtay

Kulan looga hadlayay hirgalinta mashaariic horumarineed oo ay hay’adda UNDP ka wado koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ayna ka kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay wasaaradda maaliyadda iyo Qorsheynta oo kaashaneysa hay’adda UNDP iyo hay’adaha deeq bixiyeyaasha, waxaana ka qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo Qorsheynta Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim iyo mas’uuliyiin ka socotay hay’adda hormarinta qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNDP.eyb galeen mas’uuliin ka tirsan dowladda iyo hay’adda UNDP ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo Qorsheynta oo kulanka kadib la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in intii uu socday kulanka lagu lafa guray sidii ay UNDP xukuumadda uga gacan siin laheyd girgalinta qorsheyaal badan si loo horamariyo wadanka.

Mudane Abuukar wasiir ku xigeenka ayaa intaasi raaciyay in dib mas’uuliyiintii ka soctay UNDP ay sheegen in ay kaalin mug leh ka qadanayaan qarashka lagu hirgalinayo qorsha hormarineed ee haatan horyaala wasaaradda Qorsheynta.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa tibaaxay in haatan hay’adda horamarinta qaramada midoobay ee UNDP ay wado qorsheyaal lagu hormarinayo gobollada dalka, isagoona carabka ku dhuftay in dhamaan mas’uuliyiinka uu kulanka la qaatay ay si isku mid ah u sheegen in ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Sawirqaade: Qadar Cali Nuur

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag