Culumada Diinta Buuhoodle oo Caawa Iclaamiyey Mudaharaad Looga soo Horjeedo Dawlada Maraykanka iyo aflagaadadii Loo Gaystay Diinta Islaamka iyo Nabi Maxamed(NNKH)
Culumada Diinta ee Buuhoodle ayaa Caawa Misaajidka Wayn ee Magaalada Buuhoodle ka Iclaamiyey in Maalinta Barito ah Dadwaynaha reer Buuhoodle isagu soo Baxaan Banaan Bax Balaadhan oo looga soo Horjeeday aflagaadadii loo Gaystay Diinta Islaamka iyo Nabigeena Suuban maxamed NNKH oo Wadamada Reer Galbeedu Faragalin ku hayaan Diiinta Islaamka iyo inay Wax ka sheegaan Nabi Maxamed ( NNKH).
Waxana Kaloo Culumada Diinta ee Buuhoodl Caawa intaasi ay ku Dareen inaanay u Dul Qaadan Karin aflagaada Loo Gaysanyo Diinta Islaamka iyo Nabdi Maxamed(NNKH) Bari ayaana loo Balamay Hadii ilaahay idmo in Buuhoodle uu ka dhaco Banaan Bax Balaadhan oo looga soo horjeedo faragalintaasi Diinta Islaamka, Waxana Sidoo kale lagu Canbaaraynayaa Dawlada Maraykanka iyo Wadamada REER Galbeedka.
Shabakada Wararka Caalamiga ah ee Ceegaag.com ayaan idiin soo Gudbinaysa Dibad Baxaasi Hadii ilaahay Idmo isla maanta ah.
Figradihiina