Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u duulay magaalada Dooxa ee Dalka Qadar. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliya mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Ka hor inta uusan ka dhoofin garoonka diyaaradaha Muqdisho Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu ka soo qeyb galayo shir ay yeelanayaan madaxda wadamada Jaamacada Carabta kaas oo ka dhacaya magaalada Dooxa ee caasimada dalka Qadar. Sidoo kale madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in kulanka uu ka qeyb galayo uu ka soo jeedinayo khudbad uu uga hadlayo xaalada dalka Soomaaliya iyo hormarada ay gaartay. Prof Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in mudada uu ku sugan yahay dalka Qadar uu kulamo la qaadan doono madaxda dalkaasi si loo amba qaado heshiisyo ay horay u gaareen mas’uuliyiinta dowladaha Soomaaliya iyo Qadar.
Ceegaag.com
Figradihiina