Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xafladan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay xarunta hay’adda waxbarashada iyo hurumarinta reer miyiga ee SCERDO (Somali Canadian Education and Rural Development Organization).
Xafladdan oo ay ku qalin jabiyeen 10 arday oo tababar uga socdey xarunta SCERDO Afartii bilood ee tagay, ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadley Laila Hashi iyadoo u mahadcelisay ardeydii iyo dadweynhii kasoo qaybgalay xaflada isla markaana u jeedisay hadal dardaaran ah dhaliyaradii loosoo xidhay tababarka iyadoo ku adkeysay in ay ka faa’ideystaan fursadan qaaliga ah ee ay heleen.
Madaxweynaha Hay’adda SCERDO Mudane C/qafaar Cali Wadaad (Xaaji) ayaa ardeyda kula dardaarmey inay xoojiyaan waxbarashada isagoo xusay in waxbarashadu tahay shayga kaliya ee laga faa’ideysto wadamadan Qarbiga.
Sidoo kale kusimaha Gudoomiyaha guddiga Mr. Khalid Hashi oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa ardayda u sheegay farxada maanta waalidiinta la qaybsaneysaa inay tahay hadba sida ay ugu hamiyaan waxkabadalka Bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Edmonton.
Steve Balash oo ka socday xafiiska shaqaaleysiinta ee Dowladda Canada ayaa u mahadceliyay hay’adda SCERDO iyo ardaydii qalin jabisay isagoo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in mashruucan uu noqdo mid si guul leh ku dhamaaday.
Xafladan ayaa kusoo gabagabowdey jawi aad u wanaagsan iyadoo ay kasoo qaybgaleen dhamaan waalidiinta ardeydii qalinjabisay.
Ugu danbeyntii xafladan ayaa lagudoonsiiyey ardayda shahaadooyin iyo abaalmarino.
Source: SCERDO
Daawo Sawiradda
Figradihiina