Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Raysalwasaare Saacid oo Gedo gaadhay isaga oo u kuuro gali doona rabitaanka shacabka gobolkaa ee yagleelida Jubaland

Raysalwasaare Saacid oo Gedo gaadhay isaga oo u kuuro gali doona rabitaanka shacabka gobolkaa ee yagleelida Jubaland, iyada oo la filayo inuu indhihiisa iyo dhagahiisaba kusoo maqlo sida ay uga go’an tahay shacabka goboladan inay yeeshaan yagleelida Caasimad ay usoo guro noqdaan qurbaawiyiintoodu.

Raysalwasaaraha wefdigiisa waxaa ka mid ahaa qaar kamid ah golihiisa wasiirada iyo xildhibaana, waxaana ay Garbahaarey ku tageen diyaarad. Safarka Raysalwasaaraha ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ay ugu kuurgelayaan xaaladda gobolka isla markaana dadka ay ugala tashan lahayeen dhismaha maamulka gobolka iyo in ay ogaadaan xaalada dhabta ah ee goboladaas.

Raysalwasaare Saacid ayaa horey u booqdey Gobolada Shabeelada Hoose, Hiiraan, Galguduud, Shabeelada Dhexe, Jubada Hoose, Gobolada Puntland ka taliso, iyo maamulka Galmudug. Raysalwasaare Saacid oo la magacaabey Bishii Okroober sanadkii 2012 ayaan noqonaya Raysalwasaarihii ugu hioreeyey ee 21 sano kadib booqasho intaas le’eg ku sameeya gobolada, waxaana xusid mudan tan iyo markii xafiiska loo dhiibey raysalwasaaruhu marna uma bixin safar dibadda ah.

Raysalwasaaraha ayaa waji gabax kala kulmay Go’aan uu uga hor imanayay yagleelida Jubaland isaga oo ku guuldaraytay maamulo cadaalada ku salaysan kadhiso Afgooye iyo Marka oo lagu dulminaya beelaha Galadi iyo Biyomaal.

Ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag