Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo si diiran Oslo Norway Loogu soo dhaweeyey

Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Baarlamaanka jamhuuriyada Federalka ah ee Soomaaliya Mudane prof. Maxamed Cismaan Jawaari  ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey caasimada dalka Norway ee Oslo.

Soo dhaweynta Wafdiga balaaran ee uu hogaaminayey Gudoomiyaha  baarlamaanka  ayaa waxaa ka qeyb qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Norway gaar ahaan Magaalada Osla qeybaheeda kala duwan, waxaana sidoo kale  soo dhawynta wafdiga ka qeybgalay madax ka socotay dowladda Norway.

Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdiga  uu hogaaminyo ayaa la xiriira casuumaad rasmi ah oo ay ka heleen dowlada Norway, gaar ahaan siminaaro ku saabsan habka dowladaha iyo baarlamaanka u wada shaqeeyeen, waxaana wafdigan uu k kooban yahay madaxda gudiyada Baarlamaanka dalkeena Soomaaliya.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari mudada uu joogo Wadanka Norway oo noqon doonto shan cesho waxa uu kulamo  la qaadan doonaa madada dalka Norway, iyo qeybaha kala duwan ee bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku nool wadanka Norway iyada oo maalinta talaadada la iclaamiyey in Gudoomiyaha baarlamaaka uu la hadli doono jaaliyada Soomaaliyeed.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag