Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Kooxaadada wakhtigeedii dhamaaday ee la fahmay dabinadooda ayaa weerar ay kaga cadheesan yihiin nabada iyo wanaaga ka bilowday caasimada Muqdisho ka fuliyay ismiidaamin ay kusii fashilmeen. Wararka ka imanaya muqdisho ayaa sheegaya in, In ka badan 20 ruux ayaa ku naf waayay weeraro loo adeegsaday qaraxyo iyo toogasho toos ah oo maanta rag hubeysan ku qaadeen xarunta Maxkamada gobolka Banaadir.
Weerarkaan oo socday qiyaastii sadex saacadood ayaa waxaa uu k bilawday qaraxyo kadibna rag hubeysan ayaa maxkamada gudaha u galay oo qabsaday. Ciidamada dawlada ee sida gaarka ah u tababaran ayaa goobta tagay oo dad badan kasoo saaray. Wararku waxay sheegayaan in raga weerarka fuliyay ay dhowr saacadood ah ka dhex dagaalamayeen gudaha maxkamada. Kooxdaan oo xirnaa dharka ciidamada military,ga Soomaaliya ayaa warar kale waxay sheegaan in ay wateen gaari ciidan oo loo ekeysiiyay gaadiidka ciidamada.
Illaa 2 qarax oo loo adegsaday gawaari ayaa sidoo kale ka dhacay banaanka maxkamada. Dadkii gudaha maxkamada ku jiray oo uu ku jiray gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Caydiid Ilka-Xanaf ayaa la bad baadiyay. Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dawlada iyo kuwa AMISOM tagay ugu dambeyna gacanta dib ugu dhigay xarunta maxkamada. Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/kariin Xuseen Guuleed oo la hadlay warbaahinta dawlada ayaa sheegay in hawlgal gaar ah oo ay ciidamada dawladu sameeyeen lasoo gabo gabeeyay gabi ahaan kooxdii weerarka qaadayna la wada laayay.
Raga weerarka fuliyay ayaa waxaa uu ku sheegay inay gaarayeen illaa iyo 9 ruux 6, ka mid ah ayaa is qarxiyay Sadexdana waxaa uu sheegay inb ciidamada dawlada ay toogteen. Wasiirku waxaa uu sheegay in ciidamada dawlada heegan buuxa la galiyay si amaanka loo sugo. Dadka illaa hadda geeriyooday waxaa ka mid ah Avv; Dr Max’ed Max’ed Afrax oo ahaa abuukatihii u doodayay Wariye C/casiis Koronto iyo Max’ed Xasan Xabeeb oo ahaa afhayeenkii maxkada gobolka horeyna u ahaa wariye Muqdisho kasoo shaqeeyay
Sidoo kale gudoomiyaha maxkamada gobolka Banaadir Dr Xaashi Cilmi Nuure oo ka mid ahaa dadkii ka bad baaday weerarkii maanta lagu qaaday maxkamada gobolka ayaa sheegay inuusan cadeyn Karin sida ay wax u dhaceen oo uu jiro khasaaro badan oo soo gaaray dad badan oo goobta ku sugnaa. Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in weerarku uu ahaa mid qorsheysan oo lasoo maleegay sida uu yiri.
Qarax kale ayaa galinkii dambee ee maanta ka dhacay agagaarka hotelka la yiraahdo Peace oo ku yaala wadada tagta garoonka diyaaradaha ayaa waxaa la la eegtay gaari ay wateen shaqaale ajanabi ah oo ka tirsan hay’adda bisha cas ee Turkiga Inkastoo ay yartahay xogta laga helo karo qaraxaan haddana warar ayaa sheegaya in 2 ruux oo u dhashay dalka Turkiga.
M/weynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Max’ud oo war saxaafadeed soo saaray ayaa ku tilmaamay weeraradii maanta kuwo fulaynimo ah oo ay geysteen Argagixis adaAl-Shabab iyaga oo sheegtay mas’uuliyadda weeraradii maanta dhacay sida lagu qoray bogga Twetter,ka ee ay leeyihiin. Sarkaal Shabab ka tirsan ayaa sheegay inay dileen mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Argagixisada Al-Shabab.
ceegaag.com
Figradihiina