Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Uhuru oo Amb. Aamina Maxamed u magacaabay wasiirka arimaha dibadda.

Madaxweynaha cusub ee Kenya Uhuru Kenyatta ayaa magacaabay afar wasiir oo ah kuwii ugu horreeyay golihiisa wasiirada cusub oo ka koobnaan doona 18 wasiir. Afarta wasiir ayaa waxaa ku jirta haweeney Soomaali ah oo lagu magacaabo Aamina Maxamed oo horey uga shaqeysay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.

Aamina Maxamed waxaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibadda Kenya, taasoo noqoneysa markii ugu horreysay oo wasiir arrimo dibadeeda Kenya uu ka qabto qof Soomaali ah oo weliba haweeney ah dalka Kenya.

Wasiirada afarta ah ayaa kala ah sidan;

1) Amina Maxamed (Wasiirka arrimaha dibadda)

2) Fred Matiang’i (Wasiirka Warfaafinta, Isgaarsiinta Iyo Teknolojiyada)

3) Henry K. Rotich (Wasiirka Maaliyadda)

4) James Wainaina Macharia (Wasiirka Caafimaadka)

Amb. Aamina Maxamed ayaa mudo dheer waxayna ahayd danjiraha Kenya u fadhiya xafiiska Qaramada Midoobay ee Genève, waxay kaloo ahayd kaaliyaha xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo Agaasime ku xugeenka mashruuca deegaanka ee Qaramada Midoobay oo fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

xaqsooc@yahoo.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag