Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Booliska ayey u suurta gashey in ay soo qabtaan edeysanaha la sheegay in uu waday lacagtaasi, waxa uu sheegay mar wax laga weydiiyey halka ay ka soo gashay ayaa waxa uu tilmaamay in uu ka soo qaaday rag ay saaxibo yihiin oo ku sugan xeebaha.
Iyadoo howlgalkaasi ay sameeyeen Booliska ayaa maanta waxa shir deg deg ah isugu yimid maamulka Degmada kan gobolka, Booliska, waaxda sirdoonka, iyo maaliyada waxaana laga hadlay waxa laga yeelayo lacagtaan la geliyey suuqa Qardho oo keeni karto hadii aan hadda wax laga qaban dhbaato badan.
Taliyaha Saldhiga Booliska Qardho Siciid Xirsi Ibraahim ayaa sheegay Booliska in ay ka war hayeen in magaalada la keenay lacago dollar faalsa ah,in muddo ahna ay ku raadjoogeen sidii ay u soo qaban lahaayeen,waxa uu sheegay Taliyaha in ay jiraan wali lacgao ku maqan suuqa taas oo laga cabsi qabo in dad masaakiin ah lagu qaldo.
Duqa Degmada Qardho Maxamed Siciid ayaa sheegay sida lagu ogaaday lacagtaani ay aheyd kadib markii canshuurta laga qaado gawaarida loo isticmaalay lacagtaani, markii ay tagtay Xafiiska Maaliyada la ogaaday in lacagtani ay tahay false,wixii markaasi ka danbeeyey ay dhinacyadaan iska kaashadeen sidii loo soo qaban lahaa,waxana wali
socdo baaris lagu wado eedeysanaha la sheegay in uu lacagtaani Qardho keenay.
Howlgalkaani ayaa waxa uu ku soo aadayaa xilli dhawaan magaalada Qardho laga sameeyey gudiyo kala duwan oo k a shaqeenayo sugida amniga iyo isku xirka Bulshada iyo Booliska,hadii la sii xoojiyo howlgalada noocaan ah waxaa suura gal ah in ay wax weyn ka soobixi karaan iskaashiga ay sameenayaan bulshada iyo booliska.
Ceegaag.com
Figradihiina