Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Qodobadii caqabadeeyay booqashadii madaxwayne Xasan Sh. Max’ud ee Puntland


1) Shirka Kismaayo:  Waxaa dib loo dhigay qodobkan kadib markii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku celiyey in dawlada federaalka ay horey go’aan u gaartay kaasoo ah in dhammaan gobolada dalka ee aan hadda maamulada lahayn loo sameeyo maamul heer gobol oo shaqeeya lix bilood, kadibna la diyaariyo doorasho loo dhan yahay.

Dhanka Puntland ayaa arrintan ka horyimid, waxayna Puntland sheegtay in shirka Jubbooyinka ka socda la saxo wixii ka khaldan, dadka ka maqanna lagu soo daro hase yeeshee aan laga hor imaan taasoo Puntland ku sheegtay inay sababi karto ammaandarri iyo in Al Shabaab ka faa’ideysato khilaafka hoose ee dawlada iyo qabanqaabiyaasha shirka Kismaayo u dhexeeya.

Afhayeenka maamulka Puntland Axmed Cumar Libaaxjoore ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo qodobkan laga gaaray.  Mana cadda in markale la isugu soo laaban doono ka wada hadalka qodobadan la isku mari waayey ee la sheegay in dib loo dhigay.

2) Ka qeybgalka shirka London: Maamulka Puntland ayaa dalbaday in sidii ay uga qeybgaleen shirkii 2012 ee London ka dhacay ay haddana uga qeybgalaan shirka 7-da bisha May ka dhici doona London iyagoo ah maamul goboleed ajendihiisa wata, hase yeeshee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa taasi ku tilmaamay mid soocelineysa isbarbaryaacii horey Soomaalida uga dhex jiray.

Dawlada federaalka maadaama ay iyada bixineyso casuumaada shirka, waxay ku adkeysatay in shirka London looga qeybgalayo hal wafdi oo Soomaali ah, xubnaha Puntland ay ka mid noqdaan wafdiga dawlada federaalka, taasoo Puntland markeeda ay diiday.  Sidaasi ayaa qodobkaasina lagu xiray.

3) Qodobo horey dastuurka ugu jiray; Puntland ayaa dood ka keentay lifaaq ka mid ah qoraalkii qabyada ahaa ee dastuurka federaalka oo 22-June-2012 lagu qoray magaalada Nairobi kaasoo ay qoreen kooxdii saxiixayaasha “roadmap-ka” oo ka koobnaa dawladii ku-meelgaarka ahayd, Puntland, Galmudug iyo Ahlusuna kuwaasoo qaarkood meesha uu ka saaray baarlamaanka federaalka.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag