Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka mudane C/llaahi Ciilmooge ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay kadib markii uu soo dhameystay safar shaqo oo uu ku tegay dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan wasaarada, Suxufiyiin iyo xubno ka socday qeybaha bulshada.
C/llaahi Ciilmooge Xirsi wasiirka warfaafinta, Boostada Isgaarsiinta iyo gaadiidka oo gudaha Airporka kula hadlay saxaafada laameheeda kala duwan ayaa sheegay in booqashadiisa Turkiga ay ka dambeysay casuumad rasmi ah oo uu ka helay dowlada Turkiga, isagoo intaa raaciyay in magaalada Izmir ee dalka Turkiga uu kaga qeybgalay Shir caalami ah.
Wasiirka ayaa shirkaasi u metelayay qaarada Afrika, wuxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo uu ku miijiyay dadaalka ay dowlada Federaalka Soomaaliya ugu jirto dib u howlgelinta shirkadii diyaaradaha ee Soomaali Airline.
Intii uu joogay wasiirku dalka Turkiga waxa uu wadahadalo la qatay mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Turkiga oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal, wuxuuna wasiirku sheegay in safarka uu ku tegay Turkiga uu kusoo dhamaaday guul.
Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaalada uu wasiirku ugu jiro horumarinta adeegyada ay wasaaradu u heyso ummadda Soomaaliyeed.
Ceegaag.com
Garyaqaan
Figradihiina