Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudiga Farsamada Shirka Jubaland oo u jawaabay Madaxweynaha.

Maxamed Daa’uud Afweyne oo ka tirsan Gudiga Shirka Maamul u sameynta magaalada Kismaayo  ayaa ka jawaabay hadalkii Madaxweyne Xasan Sheekh ee ahaa Shirka Jubaland la waafajiyo dastuurka iyo rabitaanka dowladda.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha uu soo jeediyay in dib u heshiisiin loo badalo Shirka Kismayo taasi oo uu sheegay in aysan aheyn arrin meesha taalla maadaama sida uu sheegay in loo dhan yahay Shirka iyo dhismaha Maamulka Jubaland.

Maxamed Daa’uud Afweyne ayaa mar uu ka hadlayay su’aalaha la xiriira in dhismaha Jubaland ay ka horeyso qabashada deegaanada ay maamulaaan Al Shabaab ayaa waxa uu sheegay in taasi ay sax tahay balse ay isweydiin mudan tahay in dowladda lafteeda markii la dhisayay ay ku koobnayd Muqdisho hadana ay tani sidaasi oo kale tahay.

Shirka Kismaayo ayaa hada maraya Ururinta Ergooyinka soo dooran lahaa Madaxda Jubaland, iyadoo markaasi kadib lagu wado in uu si rasmi ah u shaqeeyo Maamulka Jubaland.

Garyaqaan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag