Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxa Samafalka Maamulka KMG ah ee Magaalada Kismaayo Macalin Xaashi oo Wareysi siinayay Warbaahinta ayaa Faah faahin ka bixiyay xaalada guud ee degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Wuxuu sidoo kale ka waramay halka uu marayo dhismaha Maamulka Jubbaland oo dhawaanahaan shirarkiisu ka soconayeen degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Macalin Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in markaan jawiga magaalada kismaayo uu yahay mid dagan isla markaana la isku halayn karo amaanka magaalada Kismaayo
Dhanka kale madaxa samafalka ee maamulka KMG ah ee kismaayo Macalin Xaashi Cabdiraxmaan ayaa sheegay in shirka kismaayo ka soconaya ee lagu dooranayo madaxa waynaa Jubbaland uu gabo gabo marayo todobaad kadibna lagu dhawaaqi doono madaxwaynaha rasmiga ah ee Jubbaland.
c/casiis x. max’ud {garyaqaan}
Figradihiina