Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Qaraxan ayaa ka dhashay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lasoo dhigay wadada mashquulka badan ee KM4 ee degmada Hodan.
Qaraxa ayaa lala beegsaday kolonyo uu la socday wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka inkastoo aysan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray.
In kabadan 28 ruux ayaa ku geeriyootay goobta halka dad kale oo badana isbitaalka loo qaaday kadib waxyeelo qaraxa kasoo gaartay.
Dhanka kale waxaa ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya Xasna Sheekh maxamuud oo ka hadlay qaraxa shalay ka dhacay Isgoyska KM4 ee Muqdisho waxa ugu horeyn u tacsiyeeyay ehelada dadkii ku dhintay qaraxa.
Xasan Sheekh waxa uu sheegay in qaraxaasi uu fashilmay ujeedkii laga lahaa ayna bad qabaan dadkii lala dan lahaa oo uu ku sheegay in dad ajaanib ah oo samafal u yimid dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dusha ka saaray mas’uuliyada qaraxa waxa uu ku sheegay Nabad diidka oo hadii aan la iska qaban uu xusay inay dhibaatada wadayaan.
Shacabka ayaa waxa uu ugu baaqay inay kala shaqeeyaan amaanka dalka Soomaaliya si buu yiri looga hortago qataraha dhinaca amaanka.
Figradihiina