Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Taliyaha qeybta Booliska gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland Cabdiraxman Abshir ayaa tilmaam ka bixiyay sida booliska uu ku sugi karo amaanka gobolka isaga oo ka hadlayay Shir quseeyay sugida amaanka oo ka dhacay Garoowe.
Cabdiraxman Ayaa sheegay far kaligeeda aysan fool dhaqi karin hadii aan la iska kaashan amaanka, waxaana uu Odayaal dhaqameedyada gobolka Nugaal ka dalbaday inay kala shaqeeyaan booliska amaanka iyo wacyigalinta.
Shalay waxaa magaalada Garoowe ka dhacay Shir balaaran oo looga tashanayay sida ugu haboon oo ay tahay in loo sugo amaanka magaalada Madaxda gobolka Nugaal ee Garoowe oo ah Saldhiga Maamulka Puntland.
Figradihiina