Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo isku shaandheyn ballaaran lagu sameynayo (Warbixin)

Iyadoo indhawaalaba ay jirtay hadal heyn ku aadaneyd isku shaandheyn iyo ballaarin la doonayay in lagu sameeyo Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa warar soo baxaya sheegayaan inuu gabo gabo ku dhow yahay qorshahaas.

Golaha Wasiirada oo xilligan ka kooban 10-wasiir ayaa qorshuhu yahay in la ballaariyo, lagana dhigo 18-wasiir, si loo kala qaado wasaaradaha is dul saaran oo qaarkood ka timid dhaliilo ku aadan habka ay u shaqeeyaan, isla markaana wasaarado qaar noqdeen kuwo howshooda ku milmay wasaarado kale.

Arrimaha ugu weyn ayaa ah in dib lagu saxo qaabka awood qeybsiga dowladda ku dhisan tahay, kaasoo horay beelaha qaar ay saluugsanaayeen sida wax loo dhisay, isla markaana meesha looga saaro guux u badneyd mucaarado oo dowladda Soomaaliya uga imaaneysay dhinacyo u badan siyaasiyiin miisaan culus leh.

Warar  la helay ayaa sheegaya in markii hore qorshuhu ahaa in isku shaandheynta ay dhacdo kadib shirka London ee maalin ka hor la soo gaba gabeeyay, waxaana horay u jiray in Madaxda dowladda ay isla wadeen qorshahan isku shaandheynta.

Inkastoo wararka ay yihiin kuwo horu dhac ah, hadana waxaa ugu weyn in Wasiiro ay weyn doonaan xilalkooda, waxaana la hadal hayaa in ilaa afar wasiir ay meesha ka bixi doonaan, kuwaasoo ay kala yihiin Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta C/llaahi Ciilmooge Xirsi, Wasiirka Howlaha guud, Wasiirka Kheyraadka dalka iyo wasiir kale oo aan magaciisa wali helin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Golaha wasiirada cusub ay ka soo muuqan doonaan wasiiro horay xilal uga soo qabtay xukuumadihii dalka soo maray, balse wali ma cada.

Sidoo kale waxaa suura gal in wasiirada hada ka dhex muuqda golaha wasiirada ay dib u soo laabtaan, gaar ahaan wasiirada garabka Madaxweynaha Soomaaliya.

Is bedelka lagu sameynayo Golaha Wasiirada ayaa noqonaya kii u horeeyay, tan iyo markii Ra’iisul Wasaare Saacid uu soo magacaabay Golihiisa Wasiirada oo ahaa tiradii ugu yareyd Xukuumadihii soo maray dalka.

C/casiis Garyaqaan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag