Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Gudoomiyaha gobolka Nugaal oo eedeyey dowladda Federaalka Somaaliya

Gudoomiyaha Gobalka Nugaal Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Garowe ayaa ka hadlay dhowr qodob oo ku saabsan Dastuurka dalka oo wax laga badalay iyo hadal kasoo yaarey gudoomiyaha Gobalka Banaadir.

Qarjab ayaa sheegay dowlada dhexe ee u hogaaminayo Madaxwayne Xasan Shiikh Maxamuud inay qiyaano qaran ku samaysay dastuurkii horay loo ansixiyay magaalada Muqdisho,islamarkaasina isla meel mariyeen saxiixayaashii RoadMapka Nairobi June 2012.

Cabdi Xirsi ayaa sheegay hankii loo qabay DF ee lagu dhisay magaalada Muqdisho uu noqday mid waji kale yeeshay,wuxuuna sheegay madaxda qaranka inay diidan yihiin ku dhaqanka nidaamka Federaalka iyo sharciga dastuurka.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal uu Gudoomiyaha Banaadir warbaahinta ka sheegay kaasoo ahaa in calamada kale ee dalka ka jiraa uusan sax ahayn,wuxuna sheegay hadalkaasi inuu yahay mid aan haba yaraatee laga fiirsan oo lagu deg degay.

Maamulka Muqdisho ayuu ku eedeeyay Qarjab inuusan waxba ka qaban hantida sida gaarka ah loo haysto ee shacabku ay leeyihiin,wuxuna ku tilmaamay inay tahay mid beel gaar ah ay iska mamulato dhaqalaha umadda Soomaaliyeed ka maqan.

Madaxda Dowlada Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay si cadaalad ah dalka ku maamulaan oo ay dhaqalaha beesha caalamka Soomaaliya kasoo gaara ay si simad umadda Soomaaliyeed iyo mamulada dalka ka jira loogu qaybiyo,arintaasi ayuuna ku tilmaamay in cadaalad iyo midnimo qaran lagu gaari karo

 

C/casiis Garyaqaan

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag