Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo Ciidamada Jabuuti ee kusugan Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ee Magaaladaasi ka wadeen Howlago amniga lagu xaqiijinayay.
Ciidamada wada jira ayaana intii Howlgalada socday waxa ee ku guuleesteen in ee gacanta ku dhigaan dad badan oo lala xariirinayo in ee katirsan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo hub kala duwan oo laga soo qabtay Xaafadaha Magaalada Baladweyn.
Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ayaa soo bandhigay Hub kala duwan ee kusoo qabteen Howlgaladii ee kawadeen Magaalada Baladweyn oo la tilmaaay in uu ahaa kii ugu balaarnaa ee mudooyinkan laga sameeyo Magaalada.
Ciidamada Jabuuti ee kusugan Magalaada Baladweyn ayaa wax badan ka badalay xaalada Magaaladaasi tan iyo markii ee gaareen , Shacabka ku dhaqan Baladweyn ayaana ka nafisay dhibkii iyo xadgudubyadii badnaa ee kala kulmi jireen Ciidamada Itoobiyaanka ee horey magaaladaasi ugu sugnaa.
GARYAQAAN
Figradihiina