Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Wararka ka imaanay deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose ayaa sheegay in ciidamo ka mid ah Al Shabaab ay weerar dagaal ah kusoo qaadeen ciidamada AMISOM ee fariisinka ku leh deegaankaasi.
Dagaalkani ayaa waxa uu ahaa mid culus oo saacado qaatay, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi.
C/salaam Adan Cali Gudoomiye ku xigeenka deegaanka Lafoole oo hadlay ayaa sheegay in rag Shabaab ka tirsan ay rasaas iyo madaafiic ku weerareen ciidamada AMISOM ee fadhigooda yahay halka loo yaqaano Arbacoow balse ay AMISOM iska difaaceen.
Gudoomiyaha waxa uu sheegay in dagaalkaasi uusan ka dhalan wax qasaaro ah islamarkaana dib loo celiyay ciidamadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday.
Al Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya deegaanadii laga qabsaday Soomaaliya.
GARYAQAAN
Figradihiina