Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Warbixin iyo sawiro ka Turjumaya doorashadii Madaxwaynaha Jubaland

Shirweynaha loo dhanyahay ee maamul usameenta Jubooyinka oo soo bilaabmay 23/2/2013 ayaa Maanta oo Taariikhdu ku beegantahay 15 May Sanadda 2013 oo soo ifbaxday guushii aay higsanyeen reer J/land.

Shir Balaaran oo Maanta ka dhacay Magaalada Kismaayo waxaa loogu doortay Madaxwaynaha Maamulka Jubbaland Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) .

waxaa laisku raacay in aay doorashadu u dhacdo qaab qaab gacantaag ah,

Guddoomiyaha guddiga doorashada maamulka Jubbaland, Macalin Maxamed Ibrahim ayaa markii ay soo gaba-gabowday doorashadu waxa uu sheegayin doorashada oo ka dhacday Jaamacadda Kismaayo, ay  billaabatay 11:00 barqannimo ee saaka, ayna soo xaadireen dhammaanba ergadii loo xulay inay doortaan madaxweynaha iyo baarlammaanka uu yeelanayo maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Jubba-land oo ay ku midaysan yihiin sida uu sheegay gobollada Jubbada hoose, Jubbada dhexe iyo Gedo.

Doorashada maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lugu dooranayey madaxweynaha Jubba-land ayaa waxaa ka maqnaa musharraxiin horay u shaaciyey inay u tar-tamayaan xilka madaxweynaha maamulka Jubbaland, oo ay ka mid yihiin; Sheekh Maxamed Ibraahim Shakuul, Maxamuud Cali Looyaan ( Cali madoobe), C/qani sheikh Cali Diini iyo kuwo kale oo dhammaantood ka maqnaa goobta doorashada maanta ka dhacday Kismaayo.

Axmed Madoobe aya Khudbad ka jeediyay kadib markii la doortay waxaana uu halkaasi ka jeediyay hadalo ku aadan dadkii doortay.

islamarkaana uu balanqaaday in uu hormarin doono dhmaan wax yabaha aay ka lii taan reer J/land waxa uu hadal kiisii sii raciyay in uu dhamaan J/land xoreen doono , iyo in uu ku shaqeen doono rabitaanka reer J/land

Dawo dhamaan sawiro ku tusinaya wax yaa bihii ka dhacay halkaas

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag