Dhiigayga Ayaan U Hurayaa Jubbaland:M/Weynaha Awooda Badan Ee Soomaalida-Itoobiya Cabdi Ileey Oo Dhiigiisa Ku Taageeray Maamulka Jubbaland-State.
War-saxaafadeed uu ku saxiixnaa Madaxweyne Cabdi-Ileey oo laga akhriyay Teleefishinka (ESTV)ee maamulka Jig-jiga afkeeda ku hadlo ayaa Hambalyo hawada u mariyay Madaxweynaha Jubbaland loo doortay ee Sayid Axmed Madoobe.
“Dhiigayga ayaan u hurayaa cidii ka hortimaada maamulka Jubbaland”ayaa laga akhriyay warqad ka soo baxday Madaxweynaha oo Teleefishinka ESTV laga akhriyay.
Taageeradda Madaxweynaha Soomaalida-Itoobiya ayaa noqoneysa taageeradii ugu miisaan-cusleyd ee Madaxweyne Madoobe ka helo maamulada hareeraha, iyadoo hadalka Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu ahaa mid Diplomaasiyeed, balse hadalka Madaxweynaha Soomaalida-Itoobiya ay isugu jirtay Diplomaasiyad iyo nin ku faanaya cudud-Milateri inuu adeegsanayo hadii Kismaayo iyo Jubbaland khal-khal lagu abuuro lagana horyimaado doorashadda Dadweynaha Jubooyinka iyo Gedo ay ku gaareen inay dhistaan maamulka Jubbaland-State.
Walaallayaal halkan noogusoo dira wixii dhaliil, dhaleeceen iyo dhiiro galin ah/ Please send here you comments either complimentary or complains
webmaster@ceegaag.com ama
Figradihiina