Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xoghayaha guud ee Ururga IGAD Maxbuub Macalin ayaa hoggaaminayey werdiga ka socdeu Urur Goboleedka IGAD.
Warar Horseed Media heshey ayaa sheegaya in Wefdiga IGAD iyo Madaxweyne Xassan ay ka wada hadley xaaladda magaalada Kismaayo, gaar’ahaan Shir igad soo abaabushey oo maamul goboleed loogu samaynaayey Gobolada Jobbooyinka kaas oo duleedka Nairobi ku soo gebageboobey.
Xassan Shiikh MAxamuud Madaxweynaha dhawaan la doortey ayaa doonaya in maamul u samaynta Jubbooyinka dawladda lagala tashado si kumeel gaar ahna ay tahay in dawladddu maamul ugu samayso, kadib dadku soo doortaan cidii ay rabaan.Waxaa wararku sheegayaan in Madaxweynaha iyo IGAd isku waafaqeen arintaas.
Ururka Raaskaanbooni ee wax ka qabtey magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in aysan ahayhn dastuuri in Madaxweynuhu soo farogashto maamul u samaynta Jubbooyinka, waxaana dhawaan loo sameeyey guddi maamuli doona muddo 20 cisho taas oo ay ka harsan tahay 15 maalmood.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Maxmuub Macalin ayaa ka wada hadley xaaladaha kale ee Gobolka sida amaanka, siyaasadda iyo weliba kaalinta wadamada dersiku ay ku leeyihiin Soomaaliya.
ceegaag.com
Figradihiina