Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubooyinka oo soo dhaweeyay dib umidoobida umada Soomaaliyeed(Warbixin Xasaasi ah)

Sida aad ka war haysaan waxaa wiigii hore lagu dhawaaqay maamulka Jubooyinka oo uu hogaaminayo Axmed Madoobe oo u dhashay Beesha Absame Daarood. Waxaa lagamamaarmaan ah in la’fahmo sababta ay dawlada Soomaaliya u diiday maamulkaa…

Dawladkasta oo laga yagleelo Soomaaliya oo ay gadhwadeen ka noqdaan reer Koofureedku waxay ku dadaashaa in ay xukunka dalka dib ugu soo ururiyaan magaalada Muqdisho. Dawlada hada jirta waa dawlada kaliya eek a leexatay siyaasada reer Koonfureedka iskuna dayasa inay mar labaad dad dhex dhigto qadiyodo is wada burinaya oo dadku ka doodaan.

Qadiyadahan waxaa ka mida inay badashay siyaasadii duudsiga ku dhisnayd ee lagula dhaqmi jiray reer waqooyiga, iyada oo is ticmaalasa qaybi oo xukun ayay waxa ay isku dayasaa inay iska fogayso reer USP oo ay kasoo dhaweesanasaa reer Sh.Isxaaq.

U jeedadeedu ma’aha inay kala jeceshahay balse waxa hada u muuqda in ay dadbadan oo reer waqooyi ahi aysan ku qanacsanayn siyaasada Siilaanyo. Taasoo ay kaga Faa’ideesanayaan inay ku duudsiyaan xaqa soomaalida inteeda kale, waa hadii ay u sooro gasho.

Reer waqooyigu waxay rabaan Federal waana la’la rabaa, Puntland waxay rabtaa Federal waana lala rabaa, inta kale waa dhaan dabagaale cid ka hor timid majirto hadaba maxaa Jubaland looga hor yimid ee loo diidan yahay  way cadahay Jubaland waxaa ku yaala magaalo horay u ahaan jirtay caasimada 3aad hadana ah caasimada 10aad balse hadii ay maamul iyo kala danbayn laga hir galiyo noqonasa caasimada badalasa Muqdisho.

Kismaayo waxaa u heelan oo doonaya inay dib ugu guryo noqdaan dhamaan Saaxiibaday, Walaaladay, Eedooyinkay, Habaryarahay, Adeeraday iyo dhamaan dadka aan wada deganahay Qurbo Nacasta, dadkan oo dhamaantood aan maqli Karin Muqdisho iyo Hargaysa ku noqoshadeeda sidaa awgeed ay lagama maarmaan tahay si dhaqaalaha dadkan looga faa’iideesto oo Soomaaliya loogu celiyo in loo helo deegaan ay dib ugu laabtaan Kismaayana waa magaalada ay dadkan kor ku xusan dhamaantood kuwada qanacsan yihiin inaan mardanbe xaqooda lagu duudsiyi doonin ama laga baacsan doonin sidii looga baacsaday Muqdisho 1991 iyo Hargaysa 1988.

Ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag