Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Maamulka Jubaland ayaa uga digay dowladda federaalka Soomaaliya in ay isku daydo inay ciidamo u dirto magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Afhayeenka maamulkaas Cabdinaasir Seeraar ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’iid oo uu ku qabtay magaalada Kismaayo, wuxuuna sheegay inay dagaal u diyaargaroobayaan haddii dowladda ay isku daydo inay ciidamo u dirto Kismaayo.
Xildhibaanno iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ku sugan magaalada, waxaana jira dhaliil maamulka Axmed Madoobe uu u jeediyay xubnaha ka tirsan dowladda ee ku sugan magaalada, oo uu ku eedeeyay inay khalkhal gelinayaan ammaanka magaalada.
Seeraar ayaa ku eedeeyay dowladda inay dhowr goor ka gaabisay wada-hadal xal loogu raadinayay arrimaha Kismaayo, isagoo intaas raacisay in dowladdu ay ka badbadisay war-murtiyeed ay xalay soo saareen madaxda urur-goboleedka IGAD ee ku shiraya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Figradihiina