Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Bayaan kasoo baxay Xukumada Soomaaliya ayaa waxaa xilkii looga qaaday taliyihii ciidamada dowlada Soomaaliya ee gobolka Gedo Koofur Galbeed Soomaaliya.
Xafiiska Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdi Faarax Shirdoon “Saacid”ayaa waxaa kaoso baxay wareegto ay si wadajir ah ugu saxiixan yihiin Raa’isal Wasaaraha iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/Xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, ayaa waxaa lagu shaaciyay xil ka qaadista Jamaal Xasan Farey.
Sidoo kale Wareegtadaan ayaa waxay ku bidhaamiyeen in Taliyaha cusub loo soo magacaabay Ismaaciil Jaamac Aadan “Black”, oo ah Taliyaha Ciidamada Ahlu Sunada Gobolada Koonfureed.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Markii wareegtadaan la gaarsiiyay Jamaal Xasan Farey, uu si adag uu uga biyo diiday, isla-markaana sida uu ku dooday lagu soo beegay, xilli ay qaadayeen hawlgalo lagu soo afjaraayo Shabaabka Gedo ka dagaalamaaya.
Hase ahaatee kulan deg deg ah oo ay Saraakiisha Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, ay goor dhaw ku yeesheen Magaalada Garbahaarey, ayaa waxaa Jamaal Xasan Farey lagu qanciyay inuu u hogaansamo awaamiirta Dowladda.
Jamaal Xasan Farey ayaa markii dambe aqbalay inuu qaato go’aanka Dowladda, ee ku aadan xil ka qaadistiisa iyo soo magacaabida Taliye Ismaaciil Jaamac Aadan “Black”.
Dowlada Soomaaliya ayaa xili sii horeysay maamul gaar ah umagacowday gobolka Gedo ee Koofurta Soomaaliya iyadoo Maamulkaas uu yahay mid KMG ah.
Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa heshiis umuuqda mid awood qeybsi ah lagashay dowlada Soomaaliya, saxiixa heshiiskaasna waxaa uu ka dhacay magaalada Garbaharey.
Figradihiina