Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Banaanbaxyo balaaran oo ka soconaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose.
Taageerayaasha Maamulka Jubbaland iyo madaxweyneha Sheekh Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhigay Banaanbaxyo ay loga soo horjeedo faragalinta in laga daayo Maamulka Jubbaland, Magaalooyinka Kismaayo, Afmadow iyo Badhaadhe oo ka tirsan gobolkaasi Jubbada Hoose.
Qaar kamid ah Banaanbaxayaasha oo Warbaahinta kula hadlay goobihii ay iskugu soo baxeen isla markaana cabirayay dareenkooda ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin faragalinta aay Dowladdasoomaaliya ku hayso Maamulka Jubbaland
Waxay ugu baaqeen Madaxwaynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu ka daayo Faragalinta Jubbaland isla markaana uu taageero Maamulkooda.
Figradihiina