Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo ka hadlay xaaladda Puntland,Jubaland iyo Federaalka

Madaxwaynaha Puntland iyo qaar ka mid ah golaha wasiirada ayaa galabta ka qayb galay kulan balaaran oo dowlada logu waydiinayo arrimaha uga qorshaysay dhaqalaha dalka,ammaanka,horumarinta,nidaamka dumuqraadiyadda iyo siyaasada DF iyo Jubaland.
Xafladdan oo lagu qabtay hoolka shirarka hay’adda cilmi baarista Puntland PDRC eeGarowe ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dowladda Puntland,waxana intiisa badan su’aalo laga waydiinayay madaxwaynaha Puntland xaaladda Puntland iyo mustaqbalka Puntland.

khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa Madaxweyne Faroole jeediyey,waxa uu diirada ku saaray marka hore waxa uu ka hadlay dhaqaalaha,amaanka,geedi socodka dimuqraadiyadda.

Madaxwayne Cabdiraxmaan Faroole ayaa dadkii kulankani kasoo qayb galay si faah faahsan uga qanciyay xalada dhaqaale iyo qorsha xukumada uga degay iyo siday ula damacsan yihiin inay ula jaan-qaadaan is-badalka dhaqaale ee ku yimi Puntland iyo waliba shillinkii Soomaaliga ah oo sii dabar go’aya iyo soo daabic la’aanta wali taagan.

Wuxuna sheegay xukumada u hogaaminayo inay ka go’an tahay sidii wax badan looga qaban lahaa dhaqaalo yarida taagan,wuxuna tilmaamay bixinta mushaharka inay tahay tan ugu muhiimsan ee xooga la saarayo,isagoona sheegay inay ku bixin doonan qarashaadka dowlada doolar ahaan maadama la waayay amase uu yaraaday shillinkii soomaaliga ahaa.

Dhinaca kele Jubaland mar uu ka hadlay madaxweynuhu waxa uu sheegay inay Puntland diyaar u tahay inay wada hadalsiiso Df iyo maamulka Jubaland si meesha looga saaro khilaafka ka dhaxeeya

DF ee Somaaliya waxaa ugu baaqay inay dhawrto Dastuurka dalka.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag