Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubba/Land Axmed Madoobe oo Aqbalay ka qayb galka Shirka Muqdisho ka dhacaya,

Maamulka Jubbaland ee Hogaamiyo Axmed Madobe ayaa ogalaaday ka qayb galka shirwaynaha looga hadlayo arimaha Jubbooyinka ee dhawaan la filayo inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana kamid ah Wafti Xildhibaano iyo Wasiiro iskugu jira oo Kismaayo ku sugan, xili uu Shir Jaraa’id ku qabanayay gudaha degmada Kismaayo maanta.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo xubin ka ah wafdiga dowladda federaal-ka ee Soomaaliya ee Kismaayo jooga ayaa sheegay in  maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu aqbalay inuu u hoggaansamo war-murtiyeedkii IGAD ee farayay in dowladda looga dambeeyo gudashada waajibaadkeeda.

Wuxuu intaasi raaciyay Xildhibaan Xoosh Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland in waftigoodii ku sugnaa Magaalada Kismaayo ay kulamo isdaba  joog ah la qaadanayeen Maalmihii ugu danbeeyay Maamulka Axmed Madoobe, isagoona intaasi raaciyay labada dhinac inay waxyaabo badan isku afgarteen.

Xoosh ayaa sheegay in wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen kaddib ay isku af-garteen inay wada-jir uga shaqeeyaan xallinta arrimaha murugsan ee gobollada Jubbooyinka, in dowladda dhexe ay hoggaamiso arrimaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ka shaqaynta nabad gelyada iyo xasilloonida iyo dhismaha maamul ku dhisan caddaalad oo dastuurka aqbali karo.

Wallow Kismaayo laga dareemay Xiisada u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe, hadana shirka Jaraa’id ee Xildhibaan Xoosh waxay Saxaafaddu waydiisay Maamulka Jubbaland inay kala hadleen Wasiirada ku xayiran Garoonka kismaayo, isagoona Xildhibaa Xoosh arintaasi ka gaabsaday inuu fah faahin dheeraad ah ka bixiyo, isagoona geesta kale  sheegay inay socdaan wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo ee uu Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag