Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Madaxweyne Xasan Sh iyo C/Raxmaan Faroole oo diyaar u ah inay Khilaafkooda xaliyaan

Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud ayaa shalay gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaana halkaas uu ku ahaa Transi, hase ahaatee intii uu garoonka kusugnaa ayaa waxaa isna si lasii qorsheeyay usoo dagay madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Sh Maxamed Faroole.

Inkastoo aysan jirin wadahadal dheer oo labada dhinac dhexmaray hadana waxaa ay isku sheegeen inay yeelan doonaan kulan weyn oo lagu lafa gurayo sidii loo dhamayn lahaa mad madowga ku dhexjira

Xasan Sh Maxamuud ayaa usheegay Dr Faroole inuu ka daahsan yahay shirka Jabaan ee arimaha Soomaaliya looga hadlayo sidaa darteed mudo afar maalin ah uu sii joogo gudaha dalka Kenya Faroole si ay markaas wadahadal uyeeshaan.

ceegaag.com

C/raxmaan Faroole ayaana ogolaaday, waxaana uu Faroole sheegay in inta uu kusugan yahay halkan uu sidoo kale booqan doono wadamada dariska la ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamad Farole oo booqasho ku jooga wadanka kenya ayaa dhanka kale  kulamo muhiim ah kula jira madaxda dowladaha reer Galbeedka ee tageera Somalia iyo Madaxda wadanka Kenya.

Madaxweyne Farole ayaa la kulmey habeenkii xaley safiirka Mareykanka ee Somalia James Swan isla-markaana saaka 30 May, 2013 kulan la qaadanaya 15 wadan safiirada EU-da u fadhiya Kenya.

Sidoo kale waxaa ay labada dhinac ku kala fikir duwan yihiin arimaha maamul usamaynta gobollada gaar ahaan gobolada Jubbooyinka

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag