Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Kulankii lasugayay ee wasiirada arimaha dibada ee Soomaaliya iyo Kiiniya

Wasiirka Arimaha dibadda ee dalka Kenya Amina Mohamed ayaa maanta xafiiskeeda ku soo dhaweysey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Fawsiya Yusuf Adam.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadley xiriirka labada dal ee deriska ah, waxaana Wasiirka Arrimaha dibadda ee Kenya Marwo Aamina ku sheegtey wada hadal wanaagsan in ay wada yeesheen iyada iyo Fawsiya.

Waa markii u horeysey ee Gabdho ay noqdaan Wasiirada Arrimaha Dibnadda ee Kenya iyo Soomaaliya, waxaana xusid Mudan in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Kenya Marwo Aamina Maxamed ay tahay gabadh ka soo jeeda dalka Soomaaliya si fiicana ugu hadasha Soomaaliga.

Xukuumadaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala aragti duwan siyaasadda dhulka al-Shabaab laga saaro iyo sida loo maamulayo, Kenya waxay door xoogleh ka geysatey ka saaridii al-Shabaab magaalada dhaqaalaha badan ka soo geli jirey ee Kismaayo, Waxaana jirey heshiis horey ay u saxiixdey Dowladdii Shiikh Shariif Shiikh Axmed kaas o Kenya ku doodeyso in xukuumadda hadda ka jirta Soomaaliya geed ku laashey.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag