Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Xaflad si wayn loo soo agaasimay oo ay Jaaliyada reer Boston ku Taageereen curashada Jubaland(Daawo Sawirada)

Xafladan oo ay goob joog ka ahayd Fanaanadeena qaran ee  Xildhibaan Saado Cali Warsame ayaa u dhacday si heer qaran.

Goobta waxaa Furaya Cabdulaahi Gurxan (Madey) isaga oo u mahad celin doona dadwaynaha kasoo qaybgalay Xaflada.

Siciid Xasan ayaa isna ka hadlay habkii iyo sidii loosoo agaasimay xaflada isaga oo u mahad celiyay  Gudiga abaabulka iyo marti sharaftii kasooqayb gashay siiba Xildhibaan Saado Cali Warsame iyo gabdheheeda Xoriyo iyo Xamdi.  Sidoo kale Jaaliyadaha Gobolada dariska la ah Massachusetts.


Waxaa si aada dardaaran iyo waanooyin loogu soo jeediyay madaxda Jubaland Axmad Maxamed Islaan (Axmed madoobe iyo Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag).
Sidoo kale waxaa waanooyin loo diray madaxda qaranka ee federaalka Soomaaliya. Halku dhaga xaflada ayaa waxa uu ahaa Guul  Jubaland, u dhis Jidad wanaagsan, Isbataalo, Gagi Diyaaradeed oo caalami ah, adiga iyo ubadkaagu u magaaleesta Kismaayo, Ku dalxiis Bu’aale, Gabahaaray, Baardheere,Jilib iyo Jamaame, Ha ilaawin Sanguuni oo Saaxiibadaada Cadaanka ah ku soo madoobee qoraxda.  Hadii Xamar loo xiisi waayay ha lagu noqdo Jubaland  oo yaan qurbaha lagu asaasaqin laguna dhalan rogmin.

Waxaa si gaar

a loogu mahad celiyay dhamaan dadkii u soo halgamay in Jubaland Cageheeda ku istaagto siiba Cumar Cabdirashiid, Gaandi, iyo aqoonyahanadii ka tagay aduunka daafihiisa siiba reer Edmonton, Canada

Daawo Sawirada Xaflada warka iyo xafladana kadaawa SONSAT. Tv wakhtiga dhaw.

 

 

 

 

ceegaag.com

 

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag