Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Xaflad loo qabtay curashada maamulka Jubbaland State of Somalia ayaa xalay lagu qabtay xarunta Islamic Iskuulka ee magaalada Edmonton.
Xafladan oo uu goob joog ka ahaa Fanaanka weyn ee Mohamud A. Omar “Jaango” ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay waxaana loogu dabaaldagey curashada maamulka Jubbaland iyadoo ay ka hadleen martisharaf badan oo iskugu jirta, hogaamiyayaasha bulshada, Cuqaal, culimaaudiin, waxgarad iyo marwooyin.
Madaxdii ka hadashay xaflada ayaa u caddeeyay dadwaynihii dhagaysanayay in hadafka kaliya ee loo asaasay Jubbaland ay tahay in dadka ku nool gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo ay iyagu aayahooda ka tashadeen isla markaana Waxaa si aada dardaaran iyo waanooyin loogu soo jeediyay madaxda Jubbaland State Mudane Axmad Maxamed Islaan (Axmed madoobe) iyo Mudane Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Waxaa sidoo kale xaflada xalay digniino loo diray madaxda qaranka ee federaalka Soomaaliya. Halku dhaga xaflada ayaa waxa uu ahaa Guul Jubaland, Midnimo, Horumar iyo cadaalad, u dhis Jidad wanaagsan, Isbataalo, Gagi Diyaaradeed oo caalami ah, adiga iyo ubadkaagu u magaaleesta Kismaayo, Ku dalxiis Bu’aale, Gabahaaray, Baardheere, Jilib iyo Jamaame.
Sidoo kale waxaaa mahad celin loo jeediyay dhamaan dadkii u soo halgamay in Jubbaland State Cageheeda ku istaagto siiba aqoonyahanii ka tagay gobolkan Alberta ee kala ahaa Jamaal Xaaji Cali Cilmi, Xasan Faarax Shire Mohamed Axmed Xirsi (Cawil) iyo C/llaahi Nuur Cabdulle kuwaas oo qayb libaax ka qaatay abaabulkii iyo dhismaha dowlad goboleedaka Jubbaland ee Somalia
Xafladdaas oo lagu soo bandhigay suugaanta nooceeda kala duwan iyo ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ayaa ku soo dhamaatay jawi aad u sarreeya waxaana xidhiidhinayay Abwaan Ciise Xaaji Ismaaciill.
Figradihiina