Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
In ka badan Kun Askeri oo ka tirsan Ciidamada Milateriga iyo Boliiska Jubba Lanad oo muddo laba Bilood ah Tababar uga soconayay Degmada badhaadhe ayaa maalinimadii shalay halkaa loogu soo gaba gabeeyay Tababarkoodii.
Ciidamadan oo isugu jira Boliis iyo Milatery ayaa waxa ay qayb ka noqonayaan Ciidamada jubba land oo halkaa ka wada Sugidda ammaanka iyo hawlaha kale ee looga baahan yahay.
Guddoomiyaha Degmada badhaadhe oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka qayb gashay gaba gabaynta Tababarkaas oo halkaa ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan manta tababarka dhamaysnaya ay qayb ka yihiin maamulka jubba land isla markaana qaar ka mid ah Ciidankaas loo diri doono gudaha magaalada Kismaayo.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in qaybo kale oo Ciidankaas ah loo diri doono degaanada ku xeeran Degmadaas si ay ula dagaalamaan Xarakada Shabaab oo weli ku sugan qaybo ka mid ah Gobolka Jubada Hoose.
maamulka ayaa farta ku fiiqay in ciidamadaas uu tababarku u dhamaaday la guddoonsiiyay agabkoodii ciidanimo oo hubka ka mid yahay isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka qayb qaataan sugidda ammaanka guud.
Ciidamadan tababarku u soo dhaamaday ayaa mudadii halkaa ay ku sugnaayeen waxa ay baranayeen casharo kala duwan oo ay ka mid tahay Taagtiigga Dagaalka difaacu nafsiga iyo xeerarka ciidanimo.
Si kastaba Gobolka Jubada hoose ayaa iminka waxaa ku sugan ciidamo aad u fara badan oo isugu jira Soomaali iyo Ciidamada amisom kuwaasoo la filayo in maalmaha soo socda ay ku dhaqaaqaan degaanada Xarakada Shabaabku kaga sugan yahay Gobolada jubbooyinka.
Figradihiina