Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Aasaaska ciidamada Jabuuti oo laga xusay magaalada Baledweyne

Munaasabad lagu maamuusayay Xuska 36-guuradii ka soo wareegtay aasaaskiii ciidamada xoogga dalka Jabuuti ayaa maanta lagu qabtay xerada Ceel-Jaalle ee duleedka magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Xuska munaasabadda ayaa waxaa ka soo qeyb galay maamulka dowladda ee gobolka Hiiraan, taliyayaasha ciidamada Ethiopia ee jooga Hiiraan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Abaanduulaha ciidanka AMISOM ee gobolka Hiiraan General Cismaan Subagle oo ka hadlay munaasabadda ayaa ku boorriyay ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Africa ee AMISOM inay gutaan waajibaadka loo soo xilsaaray, isla markaana ay ka qeyb qaataan xasilinta iyo horumarka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Hiiraan Col. Cismaan Dubbad oo isaguna ka hadlay madasha ay ka socotay munaasabadda ayaa waxa uu sheegay in muddadii ay ciidamada AMISOM joogeen gobolka Hiiraan ay wax badan ka qabteen xaaladda ammaan ee gobolka, isagoo xusay inay gargaar u fidiyeen shacabka xilli ay fatahaado uu sameeyay webiga Shabeelle ay saameeyeen dadka deegaanka.

Ciidamada Xoogga dalka Jabuuti ayaa dhidibada loo aasay sanadii 1977.

ceegaag.com

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag