Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Guddoomiyaha maamulka Dawladda Federaalka Soomaaliya Gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosoow ayaa ka hadlay Xaaladda Guud ee Gobolkaas haatana ka jirta Siyaasad ahaan iyo ammaan ahaanba.
Hoosoow ayaa sheegay in Gobolka ay ka jirto Xaalad u wanaagsan gaar ahaana dhinaca ammaanka iyo wax soo saarka isla markaana shacabka ku dhaqan Gobolkaas haatan ay ku hawlan yihiin dhinaca wax soo Saarka.
Guddoomiyaha ayaa ka hadlay Xafiiskii Dhawaan UNSOM ay ka Furatay Magaalada Baydhabo taasoo uu sheegay in ay ku timid Xaaladda Wanaagsan ee ka jirta Gobolka Bay.
Cabdi Aadan Hoosoow ayaa ka hadlay Dagaalada weli ka soconaya qaybo ka mid ah Gobolkaas oo ay gaysanayaan Xarakada Shabaab ayaa ku faanay tan iyo markii loo magacabay Xilka Guddoomiyanimada Gobolka Bay inay jireen degaano kala duwan oo laga saaray dagaalyahanada xarakada Shabaab oo halkaa hore uga arrimin Jiray
Guddoomiyaha Maamulka dawladda Federaalka Soomaaliya ee Gobolka bay ayaa ka hadlay qorshaha Maamulkiisa uga aaddan degaanada Xarakada Shabaab ay kaga sugan yihiin Gobolka bay isagoona hoosta ka xarriiqay in Shabaabku Gobolkaas uu kaga sugan yahay oo keliya Degmada diinsoor dhawaana ay qorsheynayaan sidii ay uga saari lahaayeen.
Si kastaba ha ahaatee hadalkan Guddoomiyaha Gobolka bay ayaa imaanaya xilli qaybo ka mid ah Gobolka Bay gaar ahaana inta u dhaxaysa Goof Gaduud iyo Baydhabo labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay ay ka dhacayeen Dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo Dagaalyahanada xarakada Shabaab.
Figradihiina