Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Afar Ruux ayaa waxaa la sheegayaa in lagu khaarijiyay duleedka magaalada jowhar ee xarunta gobalka Sh/dhexe, sida ay sheegayaan goob joogayaasha arintaasi oo daba joogta guluf colaadeed oo waayihii danbe halkaasi ka taagnaa.
Dilka afartaan ruux oo noqotay mid argagax geliyay, iyada oo la sheegayo in ay geesteen kooxa hubeysan oo wadada u galay xoola dhaqato doonayay in ay gaaraan ceel-biyood ay xoolahooda ka waraabiyaan.
Goob joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in afarta ruux ay ku jirto haweeney iyada oo sidoo kael ay jiraan dhaawacyo soo gaaray sedax ruux oo kamid ah dadkii safarka ahaa ee wadada loo galay.
“Dadka dhawacyada iyo dhimasha loo geestay ayaa waxaa loo galay wada ku taala halka loo yaqaanno Weydow oo ah duleedka Bari ee Jowhar. Kooxa hubeysna ayaa jidaka u galay. Xabado ayeyna ku fureen. waxaa goobtii ku dhintay Afara ruux oo haween ay ku jirto.Sedax kale waa dhawac. Meydkii ayaa hada leesu diyaarinayaa in la’aaso”, mid kamid ah dadka deegaanka ayaa ku waramay.
Waayihii danbe ayaa Jowhar waxaa ka tagnaa guluf colaadeed oo u dhexeeyay laba beelood kaas oo sababay in xaafado la gubo dadna si gaadma ah lagu dilo, waxaana arinta saaka dhacday ay muujineysaa in dabkii shidaal lagu soo shubay.
Figradihiina