Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Warar goordhow naga soo gaaray degmada Walaweyn ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in qarax xoogan laga maqlay gudaha Magaaladaas.
Qaraxan oo loo adeegsaday Bambo ayaa waxaa lala beegsaday saraakiil ciidan iyo masuuliyiinta ugu sar sareysa ee Maamulka gobolka Sh/Hoose.
Gudoomiyaha degmada Dhanka Arimaha Bulshada gobolkas ayaa kamid ahaa xubnihii maanta lala eegtay qaraxan xili ay marayeen bartamaha magaalada.
Waxaa uu sheegay inay ka bad baadeen qaraxan masuuliyiintii dowlada, hase ahaatee ay jiraan askar iyo dad kale oo shacab ah oo dhaawac xoogan soo gaaray.
Waxaa jira warar sheegaya in masuuliyiinta dowlada ay ku waxyeeloobeen qaraxan inkastoo sargaalkan dowlada uhadlay uu beeniyay.
Howlgallo xoogan ayaa haatan ka soconaya xaafadaha magaalada Walaweyn iyadoo la baadi goobayo kooxihii weerarkaas gaystay.
Figradihiina