Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe iyo xubno katirsan maamulka ayeey ka kicitimeen magalan kismayo ayagoo ku sii wajahan magaalo madaxda dalka Ethiopia ee Adis Ababa halkaas oo uu kaga sii gudbi doono magaalada Jig-jiga ee kalinka Shanaad.
Inta uu kusugan yahay Madaxweynaha Adis Ababa ayaa waxaa lagu wadaa inuu kulamo la qaato jaaliyada Jubbooyinka ee Adis Ababa, xubno katirsan dowlada dalkaas iyo siyaasiyiin kale.
Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta maamullka ayaa waxa ay muddooyinkaan safari ku kala bixinaayen Dowladaha dariska la ah Somalia, oo ay ugu horeysay Kenya waxa uuna socdaalkooda daba socdaa Socdaalkii ay Kenya ku gaaren.
Ugu dambeyntii, Socdaalka uu Madaxweynahaku gaarayo Magaallada Addis Ababa ayaa waxa uu noqonaaya socdaalkii ugu horreeyay ee uu Madaxweynaha ugu ambabaxo dalka Itoobiya tan iyo markii xilka loo doortay horraantii bishii la soo dhaafay.
Figradihiina