Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Korneyl Cabaas Ibraahim Gurey oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Jubooyinka balse waayadii dambe ka xarig furtey maamulka ayaa Xabsiga loo taxaabey waxaana loo dhaadhiciyey Wajeer.
Cabaas ayaa dhowaan kasoo laabtey Safar uu Muqdisho ku tagay iyadoo soo laabashadiisa ka dib uu bilaabay inuu aruursado Maleeshiyaad taasoo dhalisey in dabagal lagu sameeyo.
Cabaas ayaa maanta La xirey iyadoo lagu eedeynayo dambiyo ka dhan ah Amaanka oo lasheegey inuu abaabuley.
Ciidamada Kenya ayaa Xabsiga dhigey ka dibna waxaa lagu qaadey Diyaarad helikoptar ah.
Talaabadaan ay qaadeen Ciidanka Amisom ayaa walwal galisey qabqablayaal horey magaalada ugu sugnaa laguna eedeeyo iney qayb ka yihiin falalka amaan xumo ee Kismaayo ka dhaca.
ceegaag.com
Figradihiina