Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Maamulka Jubbland oo loo kordhiyay 30 cisho oo dheeri ah si ay u soo magacaabaan Gollo Wasiiro..

Shir maanta iskugu yimaadeen ergadii ka kala socotay Gobalada Jubbooyinka iyo Gado isla mar ahaan taana soo doortay Madaxweynaha Maamulka Jubland Axmed maxaed Islaam ayaa waxaa loo ga hadlay mudo kordhis lasiiyo Madaxweynaha Axmed Madowbe  si uu usoo dhiso xukuu mada iyo golaha wasiiradda ee Maamulka.

Ergadan oo ka koobneed ilaa iyo 500 oo ergo ayaa waxa ay ku kulmeen xarunta jamacada magalda kismaayon, waxaana kulankoodii ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka maamulka jubbland Gen: Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Farataag.

Kulankan ergada kadib aya waxaa madasha laga sheegay in Madaxweynaha Maamulka la siiyo mudo 30 cisha oo dheeri ah si uu u soo magacaabo golohii wasiirada, iyadoo ay ergadu uqadeen cod gacan taag ah la iskuna wada raaacay,

waxaana goobta ka hadlayay Madexweune ku xigeenka Maamulka Jubland Gen: Farataag asagoo uga mahad celinaya arintaas, waxa uu ka codsaday Ergadii in ay xubnaha baarlamanka Maamulka Jubland ee horay Dastuurka ugu qornaa 65 xildhibaan  in ay ahdaan in lakordhiyo oo laga dhigo 75 xildhibaan laguna daro 10 xildhibaan oo dheeri ah, isgoo tilmaamay in beelaha daga dhamaan sedexda gobal in ay ku qancaan cidii rabta in ay maamulka ka dhex muuqato.

Waa markii labaad oo ay ergada soo dooratay Madaxweynaha Jubbada land ay wakhti kordhin dheeraad ah ay ugu daraan muddada Madaxweynaha jubbaland looga fadhiyay inuu ku soo dhiso xubnaha ka maqan maamulkiisa,,,13-kii bishii June ayey ahayd markii ergadu ay muddo 27-cisho ah ugu  dartay muddada uu Madaxweynahu kusoo magcaabaayo qaybaha ka harsan maamulka.

 

XAFIISKA WARARKA EE KISMAAYO

Wakhtiyada Salaada

 
     
Prayer Times For 6 Million Cities Worldwide
 Country:  
 

Soomaali Halaysla Doono-Saado Cali

ceegaag