Fal Waraabe & Faan Doofaar!
Fal Waraabe & Faan Doofaar! waa murtidii Axmed-Assad …
Doofaar baa waraabe u faanay oo yiri: Anaga Illaahay wuu noo naxariistaa, isagaana na abuurtay, anaguna mahad iyo abaal wayn waxaanu eebe ugu haynaa inuu xaaraameeyay hilibkayaga. Waayo waxaa dhiigayaga loo xarimay sida ka dadka oo kale, si aan naloo cunin. Xigmad wayn oo rabbaani ah baa ku jirta inaan hillibkayga la cunin. Sababtuna waa inuu Illaahay na xafiday, si aan naloo dabar goyn. Marka Dhuruq-dhayloow (magac lagu caayo waraabaha) baryahan dambe waxaa igu maqaale ah in Soomaalidii billawday inay sida lo’da oo kale idiin qalashaan oon deero deero u hirdiyin. Marka awalba naf maydun lahayne, saaxiib ha igu dherersan adiga oon facayga ahayn! Walibana wuxuu ugu sii daray, gabaygii faanka iyo bahdilka ahaa ee ay tuducyadiisa ka midka ahayeen “Qoodhkaba, dhufaan kurus qatalay waa u qudhiyaaye, Qaliciyo Fajaasuu markaa kaga qac siiyaaye, Qayraamo iyo Dhuuso dabeed Qoofal kala gooye, adna Qaabadaasaa tahee waadan Qiranayne, Inse miskiin Qumbulad lagu dhuftaa ma’ aha Qaynuune” ayuu isagoo si xun ugu diganaya ku halgaaday waraabihii.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Waraabihii oo aad u caraysan ayna ka deggi la’dahay gardarada, hanjabaada, biriq-biriqda iyo af-xumada ka soo burqatay afka doofaarka, ayaa isagoo wajiga kaduudaya ugu jawaabay: Horaa loo yiri, “Inkastuu durdur iyo dabaal tago, doofaarku waligii ma daahiro, oo ma daayo waxay diintu neceb tahay”. Doofaaroow, anigu sidaada cawaan ma ihiye, diinta waxbaan ka aqaanaa. Hilibkaaga waxaa loo xarimay waa cudurada lagaa qaado awgeed. Waxaad cuntaa wax kasta oo wasakh ah, wax kasta oo fadare ahna afkaad gashataa. Waxaad tahay xayawaanka kaliya ee saxaradiisa dib u cunna. Wareega dhiigaaguna aad buu xun yahay, oo haddii xataa mas waabeeyo lehi ku qaniino, waxba kaama taro dhiiggaaga oo faasid ah awgeed. Waxaad tahay waxba yahay! ama doofaar fowgal doofaar! Marka doofaaroow, “waa laba khasaar inaan murtida kuu lisaa adiye” iyo waliba, “isma qaban karnee waxaad is tiri kan isku qaameeye, qumanyooyin baas baan hubaa inay ku qaateene”markaa waxaan u malaynayaa inaad afxumadan uga gol-leedahay inaad doofaarada kale ku shukaansato ood meelahaa kaga sheekayso waraabaan berri u babac dhigay iyo i arkaay i maqlaay!
Haddiise aad maanta isa soo qadintay, wax yar baan kuu bidhaaminayaaye si fiican ii dhegayso. Soomaalidu waxay tiraahdaa “Haddii lagu sheego waa lays sheellaa, haddii lagu sheellana waa lays sheegaaye,”. Marka haddaan faanba ha iga ahaatee, taariikh waraabe waxoogaa kaaga iftiimiyo doofaaroow. Anagu waxaanu nahay saaxiibka koowaad ee Jinka; waxaanu fahannaa luqado badan, waxaanu naqaanaa cilmi felegga, geedo-goynta, curraafaynta, iyo faalka. Waxaanu habar-dugaag dheerahay karaamo iyo burji sare. Dadka aad maqashay ee waraabe la hadalka la yiraahdo, wax yar oo cilmigayaga ka mid ah ayuun baanu ka barnaa, taasayna dadka kale ku maamulaan kuna soo caan baxaan. Waxaanu aad u naqaanaa tafaafulka iyo jillib xirka, oo xataa wasiiro iyo madaxbuurro ayaa noo soo cid dirsada. Haddaba, anagu sidiina oo kale biyaha xalka ah iyo kudaafada kama qaraabanee, markaanu mandharaari geel u baahano, aayar oo dhalatay baanu xidid dareemo, iyo wax kaloo aanan kuu sheegaynin intaanu isku lifaaqo af-gambi u dhignaa, kadibna mudo kooban ka bacdi waxaanu helnaa xoolo baadi ah, sidaasanuna cad gobeed oo sharaf iyo cisi leh ugu casheeynaa.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Dhanka kale, doofaaroow, hadda ka hor bay sidaada oo kale dawoco igu soo ambatay oo tiri: “Waraaboow waligaa wan bari bucbucooda leh ma cuntay?” iyadoo doonaysa inay igu jeesjeesto. Anna waxaan ugu jawaabay: “Dawacooy maydhan oo caroowday, maka daba caroowday, gelgelin mawgu tagtay, mudkiyo maydhaqa maka muluq siisay, qoobabka ma subagtay, ma qaabilyootay, mays qaadi kari wayday?” hadal dambe oo deelqaaf ahna igumay soo celin. Maantana adigaa igu soo ambadaye, inaan badahayga la gellin ciddi makuu sheegtay? Cimrigaygu inuu 200-300 sanno gaaro ciddi makuu sheegtay? Inaan burhaan iyo karaamo sare leeyahay ciddi ma kuu sheegtay? Haddiise aadan weli i rumaysanin, wax yarbaan kaaga iftiiminayaa karaamadayda iyo cilmigayaga dhawaanahan dhacay. Doofaaroow, sanadkii hore dabayaaqadiisii baa qolo saaxada siyaasada cusub oon warkayaga haynini nagu soo khaldantay. Soomaalida kale way na wada yaqaanaan oo naguma safaadaan. Laakiin, nimankan Jabhada ahaa oo waagaa Kismaayo Illaa buuraha Galgala xukumi jirray, oo Soomaali oo dhan ugu xoog badnaa baa na soo doontay. Waxay ogaadeen in hillibkaygu faa’iidooyin badan leeyahay, oo ay ka mid tahay kordhinta hawada raggu. Waxay sir ahaan ku sheeggeen in odayashii waa hore laga quustay ee dareenkoodu tegay haddii ay hillib waraabe cunaan ay gabdho 15 jir ah inay guursadaan u baahan doonaan. Wax yar kadibna waxay ku dhawaaqeen oo idaacadaha ka baahiyeen inuu hillibkaygu xalaal yahay. Soomaaliduna waxba ma hubsadaane isla maalintaa tii ku xigtayba hilbahayaga iyo caddiintayaduba waxay warnaayeen suuqayada kaluunka iyo hillibka ee Calanley, Warshada Hillibka, illaa via Afmadow! Kaaga sii darane, kiilooga subagayaga ahi wuxuu markiiba gaaray $50, halka waslada hilibka waraabena kor u dhaaftay $10. Waliba, waxaa intaa noo sii dheeraa in qolyaha reer galbeedka ahi markay maqleen in Viagara dhiigayaga laga samayn karo ay noo soo dhiillo tollanayeen ! Waxaanuba ku siganay mudo kooban gudaheed inaanu wadankaba ka cirrib go’no. Haddaba, waxaanu markiiba isugu nimi shir deg-deg ah si arintan wax looga qabto, xaaladuna waxay noqotay SOS! Waxaa loo yeerey odayadii indheer-garadka reer waraabe ahayd oo dhan, oo ay ka mid ahaayeen Hurguf, Lugyare, iyo Ismaliig oo ka soo ciidamiyay Waqooyi. Waxaa sidoo kale gurmad noogu yimi Dhidar, Qaw iyo Dhuruq oo ka kala yimi koonfurta iyo gobolada dhexe. Shir gudoonka waxaanu u dooranay Ismaliig oo noogu da’ waynaa oo da’diisu ahayd 275 sano jir. Wuxuuna ku taliyay in wixii cilmi-waraabe koonfur, iyo waqooyi, bari iyo galbeed jiraba laysu geeyo si loo badbaado. Intaa ka dib, Ismaliig baa arin taariikhiya oo hadda ka hor gobolada waqooyi ka dhacday ka faalooday oo wuxuu yiri: Reer Jidhif baa mudo 200 oo sano laga joogo billaabay inay cunaan hillibkeena. Waxaana loogu heesay “Joog luquntu jaban tahayoo, jiidh waraabe lagu guray, reer Jidhif ma daayaan, idinkuna ma jebisaan”. Markay na dayn waayeen waxaanu ku sii deeynay wixii aanu Cilmi Waraabe naqaanay, cawaaqibkoodii wuxuu noqdayna waa la wada oggaa. Maantana, waad la wada socotaan halka ay reer Jidhif xaalkiisu ku dambeeyay iyo waxa ay ku sugan yihiin. Waxay ahaayeen reerka ugu awooda badan deegaankaas oo dhan, maantana waxaa ka haray waa far ku tiris ay cid waliba u xoog sheegto. Markaa waxaan ku tallin lahaa in la tafaafulo jabhadan awooda is biday, ayuu hadalkiisii ku soo xooriyay.
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Intaa kadib, waxaa hadalkii la wareegay Dhuruq oo loo doortay gudoomiye ku xigeenka shirka oo isaguna ka soo jeeda gobolada koonfureed, da’diisuna ahayd 268 sanno jir. Dhuruq wuxuu soo jeediyay inkastoo dadkan hadda maamulka hayaa yihiin dad cadow u ah Habar-Waraabe dhiigoodana ay xalaalaysteen, haddana shacabka Soomaaliyeed badankoodu arintaas ka soo horjeedaan, sidaa darteedna cilmiga-Tafaafulka ee lagu hoobto aan loo adeegsan ee looga turo oo xal kale la raadiyo ayuu isna soo jeediyay. Wuxuuna ku sii daray, inay iskaga haajiraan dhulka jabhadani ku awooda badan tahay, iyagoo ka talaabaya xuduuda Kenya sidii ay habar-dugaagii kale badankoodii yeeleen oo kale. Wax cabaar la xaajada la rog-rogo oo dhinac walba laga eegaba, waxa aakhirkii laysla gartay in haddii aan maanta fikirkan xaalaalaynta hillib waraabe aan gacan bir ah layskaga qaban in hodhow meel ka dheer laga raadin doono. Waxaa hoosta laga wada xariiqay in maadaama uu xiligani yahay kii ugu adkaa ee soo mara Waraabaha dhawrkii qarni ee la soo dhaafay, inaan cilmi-waraabe waxba layskula harin si loo badbaadiyo jiillasha soo socda. Waxaana la isla qaatay in jabhada la tafaafulo, oo meel ay mareen ama jaan iyo cirib dhigeen aan dib loo arag. Haddaba, si ay u noqdaan mid cadawgoodu dillo iyo mid ay dhexdooda iska dillaanba, waxaa la isku daray cilmigii waqooyi, kii bari, kii koonfureed iyo kii galbeed. Meeshaana waxaa ka soo baxay maxsuul khatar ah oo aan noociisa horeba loo arag! Tafaafulkan waxaa laysugu keenay biixiyo gorayo, miciyo libaax, cidiyo fiid-meereed, xaar aboodi, xidido yamaarug, mayrax gumareed, malmal iyo walxo kale oo sir ah oo aan la shaacin. Waxa Tafaafulkii loo dhiibay laba wiil oo dheereeya oo kala ahaa Hurgume iyo Xaglogooye, waxaana lagula balamay inay ku aasaan meel aan ka fogayn xarunta caddowga oo ay markaa ku sugnaayeen madaxdoodu kuwa ugu waawayn oo ay ka mid ahaayeen Goobe, Faqaani, Caweys, 2 Go’lle, Al-Xaami, Macalimu, Rooble iyo qaar kaloo badan.Sidii balanku ahaa bayna yeelleen Hurgume iyo Xaglogooye.
Habeenkii Tafaaful-Waraabe dhacay oo ku beegnaa sanadka 219,875 bisha 31aad, maalinta 75aad ee taariikhda Waraabaha ee Jillab Hadhiso, hase yeeshee taariikhda Aadamaha kaga beegnaa Oct 15, 2011, isla markaana lagu beegay maalintii la dillay Madaxbuurkii hore ee Soomaalidu afka ugu dhacday. Calaamooyin degdeg ah ayaa markiiba la arkay, oo habeenkii shirqoolkii Tafaaful ku xiggayba waxaa xuduuda koonfureed kasoo duullay ciidamada Kenya oo oodahooda iyo dhigahooda watay, kuwaasoo aan 25kii sanno (taariikhda dadka) ee dagaaladu ka socdeen Soomaaliya aan walligeed markaas ka hor aan soo fargo-gashan amuuraha Soomaalida. Dhawr maalmood kadibna waxaa xuduuda galbeed ka soo duullay Ethiopia. Cirka waxaa ka soo Duullay drone aan ciddi wadin oo Maraykan ah, Badda dhinaca barriga waxaa ka soo duulay reer Yurub qaar ka mid ah, waqooyiga waxaa ka soo duulay Jabuuti, Muqdisho waxaa ka soo duullay Uganda, Dayniile waxaa ka soo duullay Burundi, Soomaaliduna intaas oo ciidanba way la socdeen. Tafaafulkii markii hore wuxuu ku saladay wadaadadii ay markii hore kala argtida duwanaayeen, markii xigay waxaa lagu saliday kuwii ay isku aragtida ahaan jireen, aakhirkiina iyagaa laysku saladay oo midba midka kale birta ka aslay. Walina Tafaaful-Waraabe wuu sii socdaa, xaalkooduna wuxuu ku sugan yahay waad la wada socotaan. Kadibna, mudo kooban gudaheed waxaanu dib u hananay xoriyad-waraabe kaamil ah qarnigii 219aad ee taarikhda Jillab Hadhiso.
Haddaba, Doofaaroow, taariikhda iyo cilmiga waraaba waa kaas. Laakiin, adigu shax ma taqaanid, kaarto-Waraabe ma taqaanid, taariikh ma taqaanid, karaamana ma lihid, Soomaalina waxba kama taqaanide jooji bootada iyo isbooxbooxa! Haddii kale, oo hadalada aan ku leeyahay aad dheggaha ka furaysato, wiil inkaar qaba oo inna Hurguf ah baan kaa adeejin doonaa!
@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@@
Intaa kadib, doofaarkii wuu calool adaygay wuxuuna go’aansaday inaanu isu jilcin waraabaha ee si geesinimo leh ugu jawaabo. Wuxuu kaloo xusuustay qisadii gardaradii waraabaha jebisay iyo guushii wankii agoonka ahaa ee halku dhaggiisu noqday “sidi sididaada ma arkee, dhul dhacaaga hubso”. Sidaa darteedna xiniinyo ayuu iska booray oo su’aal digasho ah, dhimbiilna ka kulul ayuu waraabihii ku maqiiqay, kuna yiri: Oo haddaad waraaboow sidaa balaayo u tahay, oo ina libaax sanka taabte tahay, oo bir-finiin ka hartay tahay, maxaad haddaa libaaxii isha kaa ridday isaga celin wayday? Sowtii dawacadu tiri maaha “Libaaxoow, qaybinta wanaagsan waxaa i baray, isha Cali-waraabe ka lulata”. Waxaanba xusuustay gabaygii ahaa “Dhankaan ka hadlay waakaa Ugaas dhaafay hadalkiiye”. Waxaynu ka hadlaynaa waa kaaf iyo kala dheeri! Waligay cid sixir ku faanaysa adiga hortaa maanu arag, cid cawri ku faanaysa maanu arag, faalka iyo cilmi waraabuhuna agtayada akhaakhoo bay ka yihiin. Sixirku waa cilmi shaydaan, cadaabaana waa lugu mutaystaa, waana caado dulli iyo liidnimo ah. Aniguna waxaan ka hadlay murti iyo sida Illaahay noogu naxariistay, adiguna waxaad ka hadashay Illaah caasi iyo falaloownimo! Waxaan maqlay xayawaanka lama cadaabo laakiin adigu waxaad derris la noqon doontaa saaxiibkaa Ibleys iyo wixii sixirka iyo curaafeyta ku baray! Waar orodoo na dhaaf duf iyo naanaab ku baxe, Dhurwaa fowqal Dhurwaa! Ayuu hadalkii ku soo gunaanaday. Intaa ka dibna, doofaarkii wuu iska dhaqaaqay, isagoo baalla daymoonaya aadna u dhiilaysan, kana shaki qabay inuu waraabuhu ku soo boodi doono ayuu si feejigan xaraar sare u fantay!
Dhurwaagii isaga oo ka xanaaqsan wuxuu doofaarku afxumo ku tiraabay. Hase yeeshee, doonayo inuu khiyaameeyo oo intuu dhulka isu dhigo sasabto, markuu u soo dhawaadana lafihiisa ruuggo, ayuu ku yiri: Anagu cidna ma gardaysano, cilmi-waraabahana kuma degdegno, ee ciddii aanu khatyaan ka joogsano uun baanu iskaga dhicinaa. Wankii yaraa ee edebta daraa eed sheegaysana boqolaal warasadiisii ah baa afxumadiisii darteed lagu xasuuqay. Laakiin, adigu doofaar baad tahay oo hillibkaaga ma geyno. Sidoo kale, cadaabta aad sheegayso sow tii hore loo yiri, “Doofaarka ficil la’aan baa loo cadaabaa” oo idinkaa marka hore laydinaka buuxinayaa. Haddase, kaftanku halkaa ha inoo jooggee, aan is cafino oon is gacan qaadnee soo dhawoow oo agtayda soo fariiso!
Doofaarkii oo dareensan khiyaamada waraabaha iyo dakanada uu ka galay xajmigeeda, ayaa intuu buurtii kor isaga sii fuulay ku yiri: Waraabe, ficil-la’aanta aad sheegaysaa waxay naga ahayd dulqaad dheeri ah oo nalala fahmi waayay. Haddaadse maanta nabad iyo is cafin rabto minankaaga ku ekoow oo amaanka iigu dadaal! wuxuna billaabay inuu buurta kor u sii fuulo isagoo ku luuqeeynaya, “wadaaynimo kaama rabo, warkuna waa kooban yahay, aan kala waydaaranee waraaboow maalin wacan!”sidaas ayaana lagu kala qulqulay.
W/Q Axmed-Assad
Axmed-Assad waa qoraa iyo halabuure waxaadna kala xiriiri kartaa,
ahmedy98@yahoo.com, ama www.facebook.com/AXMED.ASSAD
Figradihiina